Calaamadaha Walaca (Morning Sickness)

0
1727

Calaamadaha walaca:

Walaca waa astaan caan ah oo wehelisa uurka, waxaana lagu gartaa lalabo iyo matag mararka qaar, inta badan haweenka uurka leh waxay dareemaan lalabo iyo matag

Walac inta badan wuxuu yimaadaa inta lagu gudajiro 4ta bilood ee ugu horeysa uurka, waana caalamada ugu horeysa ee lagu  garto inuu jiro uur

Maxaa sabab walaca

Heerka dheecaanada oo ku bata jirka xiliga uurka ayaa ah waxa inta badan sababa walaca, sidoo kale in heerka sokorta kujirta dhiiga ay hoos u dhacdo. Waxyaabaha kale ee sababa waxaa ka mid ah;

Uurka mataano ama saddex ilmood

Daal badan

Walwal

Safar badan

Walaca wuu kala duwanaan karta, hadii walaca uurkii kuugu  horeeeyay uu ahaa mid daran, waxaa suurta gal ah in uurka mustaqbalka uu yeesho walac khafiif ah

Halista walaca

lalabada ama matagu waxay si fudud ku xiri karaan abateetka ama cunna qaadashada, dumar badan oo uur leh waxay walaac ka muujiyaan in abateetka ka xirmay uu saameyn ugaysto ilmaha caloosha ku kujira, walaca khafiifka ah malahan wax dhibaata ah, hasa ahaatee dumarka dareema walaca wax ka badan 4ta bilood ee ugu horeysa ee uurka, waxaa lagula talinayaa iney la hadlaan dhaqtarkooda, sidoo kale iney raadiyaan daryeel caafimaad hadii aysan misaankooda kor ukicin.

Daweeynta walaca

waxaa lagu daweeyaa waxyaaba kaalmaati ah oo khafiifiya walaca sida

Vitamin B-6 Dheeri ah

Multivitamin

Wax yaabah lagu daro sanjabiilka

Hibnosis

In kastoo waxa aan kor kuqornay ay ku anfici karaan, hadana waxaa muhiim ah inaad waligaa isticmaalin dawo ama wax uusan dhaqtarkaaga kugula talin

Talo:

Nasiib daro majirto siyaaba looga hortagi karo walaca, waxaa laga yabaa in tilaabooyinka hoos ku qoran ay kaa caawin karaan khafiifinta ama yareynta walaca

Cabida biyo badan

Cabida biyaha cunada kahor iyo kadib

Qaadashada hurdo gaaban

Qolka inuu layr wanaagsan lahaado

Inaad cuntid cunooyinka bisbaaska leh

Cunida cunooyin fudud

Ka fogoow cunida dufanta

Qaadashada Vitamin

Ka fogoow sigaarka

Sidoo kale waxaa lagula talinayaa inaad si dhaqsa ah ula xiriirto dhaqtar hadii aad dareentid wax yaabaha hoos ku qoran.

Matag cunida kadib

Misaanka oo ka yaraada 2 Kiilo iyo wixii ka badan

Qandho

Lalabo daran 3da bilood ee dhexe ee uurka

Mataga oo dhiig soo raaco

Madax xanuun joogta ah

Calool xanuun

Xigasho Daryeel Magazine

Leave a Reply