Tallaabooyin kaa caawinaya inaad cagta saarto jidka guusha noloshaada

0
817

Jenifer Hayman waxa ay maamule ka tahay mid ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya nashqaddha dharka iyo muriyadaha iyo walxaha la isku qurxiyo. Waxa ay dhowaan ka sheekeysay qodobbo ay u aragto in ay jid u noqon karaan guul uu qofku ka gaadho shaqadiisa. Haweenayda qoraaga ah ee Katie Warren, ayaa dhowaan wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska waxa ay ku qortay maqaal ay ku soo bandhigayso qodobbada ay Jenifer u aragto in ay jidka guusha nooqn karaan.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah jidadkaas Jenifer Hayman ay sheegtay in guusha lagu gaadhi karo.

Xidhiidh fiican

Waa in aad dadaal ku bixiso adkaynta xidhiidhka aad la leedahay dadka shaqadu idinka dhexeyso ama shaqada aad ku maamulayso. Xidhiidhka fiican ee dhex mara dadka shaqadu ka dhexeysaa waxa uu ka mid yahay fureyaasha guusha.

Ha ka baqan diidmo: Weligaa ha ka baqan in codsigaaga la diido. Heyman waxa ay leedahay haddii ay dhacdo in dhinaca kale ka soo jawaabi waayo codsigaaga, ama aanu doonayn in aad kulantaan, ku celceli dalabkaaga, oo weligaa qusu ha dareemin.

Raadso cid ku dhegeysata: Sida ay la tahay Heyman, waxa qofka muhiim u ah in uu kala barto, oo daraaseeyo dadka ku xeeran si uu u garto kuwooda ay u fududahay in ay is fahmaan oo isku dhacaan. Heyman waxa ay aaminsan tahay in qofka shaqaalaha ah ay u fiican tahay in caqabadaha hawleed ee ka hor yimaadda uu sida ugu dhaqsaha badan ugala kulmo masuuliyiintak a sarraysa, isaga oo si gaar ah u dooranaya kuwa uu ogyahay in ay dad dhegeysi leeyihiin ama isagu jecel yahay in uu u tago. Waa hab qofka u fududaynaysa in uu shaqo badan qabto.

Korodhso dadka aad is taqaannaan: Hemann waxa ay aaminsan tahay in xidhiidhka shaqo ee qofku la yeelanayo dadka ku xeeran, uu leeyahay faa’iido ah in qofku marka uu caawimo u baahdo uu dhaqso u helayso. Mar kasta oo uu qofku kordhiyo asxaabta ku xeeran waxaa u fududaanaysa in uu xal u helo dhibaatooyin laga yaabo in uu kelidii xal u heli kari waayo.

Samir: Waxaa hubaal ah in ay adad tahay in qofku waxa uu filayo oo dhan helo, ugu yaraan in uu dhaqso u helo, waxa ay taasi keentaa filasho aan loo baahnayn iyo u qaadan waa dambe, sidaa awgeed waxaa lagu talinayaa in qofku uu ku dadaalo samirka uu u samrayo hiigsigiisa, oo aanu ku niyadjabayn dhirbaaxooyinka caqabadaha ka hor imanaya oo runtii aad u waaweyn.

Dabagal oo ha ku dhibin ku celcelinta: Qofka aad shaqo u dirto ka dabatag oo ogow shaqadii halka ay la marayso, sida oo kale dadka aad adeeg ama shaqo u qabato ku dadaal in aad dabagasho hawshaas, adiga oo dhinaca kalana iska jiraya in aad ugu celceliso qaab qofku u arko dhib in ay tahay.

Kamaal Marjaan

Leave a Reply