Dhambaal Jaceyl oo Dareen leh

0
12486

Waxaad xaaskayga ku noqotay sifada ugu xurmada badan ugu xayndaabka adag ee ay haweenay weliba jeclaan lahayd inay lamaanaheeda kula aqal gasho, taas oo ah inuu dhexdeena yaallo jaceyl mug weyn oo kalsooni hagoogan, jaceyl hal qalbi ah oo ka unkamay labo qalbi ah oo isdhameystiray, Jaceyl ah in nafta iska daayee ruuxda laysla wadaago.

Hadaan Laysla Dhimanayn, Nafta Laysa Siinayn; Saw maahan dhalanteed.

Abwaan Hadraawi.

Aragtidaadii koowaad waxay ii ahayd bidhaantii ugu qalbi-qaboobsiga badnayd ee aan dhaayaha saaro tan iyo maalintaan koray ee aan kaalin galay.

Hadalkaagu wuxuu ii ahaa dhawaaqii ugu mabsuudsanaa ee dhagahayga kusoo dhaca qalbigayguna ku qabowsado maskaxdayduna kayd ahaan ugu qeybiso waax walba oo jidhkayga kamid ah.

Barashadaadu waxay ii ahayd dareenkii ugu weynaa uguna cajiibsanaa ee noloshayda qariib ku noqda, taas oo haba yaraatee aan kun iyo tiro jeerba adiga ku dooran lahaa haddii barasho lay dooran siiyo.

Sheekadaadu waxay tahay shuurka ugu heer sareeya ee ay naftaydu naf kale la gasho.

Weheshigaagu wuxuu ii yahay lajooga loogu kalsoonida badan yahay dhankayga, kaas oo ah in aanan dareemayn caajis iyo kelinimo midna loogana kaaftoomaayo boqolaal qof oo midba mar I maaweeliyo.

Inaan kuu xiisaa waxay tahay xanuunka ugu weyn ee uu qalbigu dareemo, xanuunkaas oo dawadiisu tahay keliyaata inay indhuhu aragtidaada ku buseel baxaan, qalbiguna isku qaboojiyo laakiin tani way soo dhamaatay kol hadaan ilbidhiqsi walba ku qaadan doontid agtayda.

Wuxuu Alle ku abuuray adigoo keligaa ah, taasina kama dhigna inaad nolosho kelinimo tahay; Waxaan noqon doonaa qeybtii kaa maqnayd ee aad weligaa tebaysay, waxaan noqon doonaa shakhsiga u sababta ah dhoolla-cadeyntaada, waxaan farxad iyo rayn-rayn badan ku buuxin doonaa bugcadda ugu qaalisan jidhka aadamaha ee ah qalbigaaga, waxaan noqon doonaa shakhsiga ugu dambeeya ee aad habeen wanaagsan tidhaahdo iyo shakhsiga ugu horeeya ee aad subax wanaagsan ku tidhaahdo sannad walba, bil walba, asbuuc walba, habeen walba iyo waqti walba oo noloshaada ka dhiman.

 

Waxaan kuu noqonayaa indhahaaga oo aad ku arkaysid raaxada lamaanenimo ee adduunka kor taala iyo quruxda nololeed ee ay wada qaataan dadka jacayl wadaagga ahi.

Waxaan kuu noqonayaa dhagahaaga oo aad ku maqli doonto raaligelinta teeda ugu sareysa, Ereyada jaceylka kuwooda ugu saamaynta badan iyo Alle ka cabsiga inaan isku dhiiri-gelino si Uu Alle garabkeena u ahaado oo aan if iyo aakhiraba u liibaano, si wada jir ahna u wada qaadano nolosha teeda waaraysa ee Aakhiro taala.

Waxaan kuu noqonayaa Qalbigaaga oo aad ku dareemi doonto intuu leeg yahay jaceylka aan kuu qabaa, kuna ogaan doontid inaad keli ahaantaa mulkiday bugcadda ugu qaalisan jidhkayga, haddii la saafana ay ku xardhan yihiin magacaaga kuna sawiran yahay muuqaalka dabeeciga ah ee aad leedahay sidoo kale haddii la tuujiyana uu ku dhawaaqaayo magacaaga oo ay ku lamaan tahay weedha ah “Waan Ku Jecelahay, Kuna Jeclaan doonaa”.

Daryeel Magazine

Leave a Reply