“Rajada Aqoonsi Caalami ah oo ay Somaliland Hesho” Wales

0
353

Wales (Dawan)- Warbaahinta Walesonline oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa bogaadisay doorashooyinkii isku sidkanaa ee ka qabsooomay Jamhuuriadda Somaliland 31-kii May, 2021, taas oo ay ku tilmaantay mid taariikhi ah, xor iyo xalaal ah, isla markaana abuuraysa rajo ah in ay Somaliland hesho aqoonsi caalami ah.

Walesonline ayaa warbixin dheer ka diyaarisay hannaankii ay u dhacday doorashooyinkii Somaliland oo ay ku tilmaantay mid taariikhi ah, geedi-socodka dimuquraadiyada qaan-gaadhay ee Somaliland, ammaanka iyo xasiloonida dalka ka jirta, dhaqaalaha, waxbarashada iyo horumarka ka hanoqaaday Somaliland.

Warbaahinta Walesonline oo ciwaan looga dhigay ‘Doorashadii dhawaan ka dhacay Somaliland iyo rajoda laga qabo ictiraaf caalami ah’.

Qoraalkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u qornaa sidan “Doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la qabtay 31-kii bishii May. Somaliland oo ah dal ku yaal bari Afrika ayaa ah dal iskii isu xukumayay muddo 30 sanno ah, laakiin weli aan laga aqoonsan adduunka.

Waxa jira xidhiidh adag oo ka dhexeeya Wales iyo Somaliland oo soo taxnaa ilaa qarnigii 19aad, markii Cardiff ay ahayd mid kamid ah dekedaha ugu waaweyn ee dhuxusha laga dhoofiyo, xiligaas oo badmaaxiinta reer Somaliland-na ay ku biireen shaqaalaha maraakiibta Ingiriiska.

Jamhuuriyadda Somaliland oo ahayd Maxmiyad Ingriis ah ilaa 1960 wixii ka horreeyay, xiligaas oo ay ku biirtay dalkii deriska la ahaa ee Soomaaliya oo ahaan jirtay dal uu gumeysan jiray Talyaanigu. Laakiin Somaliland waxay muddo badan ku noolayd inay ka qoomamayso ku biirista dalkii koonfurta ee Soomaaliya, gaar ahaan wakhtigii uu dalkaasi hoggaaminayay kali-taliyihii Siyaad Barre.
Somaliland, waxay madaxbanaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii, kadib markii Siyaad Barre xukunka laga tuuray kacdoon ay sameeyeen reer Somaliland, wakhtigaasi oo ay dib u soo ceshatay xoriyadeedii luntay.

Soomaaliya hadda waa dal fashilmay oo aan jirin, isla markaana adduunka intiisa kale ka walaacsan yahay, waa waddan guuldarreystay oo aan lahayn dowlad shaqaysa, isla markaana ay ka awood badan tahay kooxda argagixisada ee Isamic Al-Shabaab iyo budhcad-badeedda ku xeeran xeebaheeda.

Taas bedelkeeda, Jamhuuriyadda Somaliland, soddonkii sanno ee ugu dambeeyay waxay ahayd dawlad jirta oo ku naaloonaysa xasillooni, dimoqraadiyad shaqeyneysa illaa sannadkii 1991. Iyada oo doorashooyinka ay Somaliland hirgelisayna ay horseedeen in madaxweynayaashu xukunka isugu wareejiyaan si ammaan ah oo horumar leh.

Dhawaan markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka, xisbiyada mucaaridka ah ayaa kaga adkaaday xisbiga talada dalka haya, ma jirin wax rabshado ah oo ka dhacay waddooyinka ama eedeymo xanaf leh oo ku saabsan in doorashada la musuq maasuqay.

Taa badalkeed, kormeerayaasha caalamiga ah ee ka socday UK iyo 11 dal oo kale oo Yurub ah iyo Midowga Yurub ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku amaanayaan qaabka doorashada Somaliland loo qabtay.

Waxay yidhaahdeen, “Saaxiibada caalamku waxay ku hambalyaynayaan shacabka Somaliland, xisbiyada siyaasadeed, komishanka doorashooyinka qaranka iyo hay’adaha kale ee dawlada sida wanaagsan ee ay u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2021 iyo habsami u socodka doorashooyinka.

Doorashooyinkan, dadka reer Somaliland waxay muujiyeen ballanqaad adag oo ku aaddan geeddi-socodka doorashooyinka, ka-qaybgalka siyaasadda iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

Waxaan si gaar ah u soo dhawaynaynaa doorashada taariikhiga ah ee kooxaha laga tirada badan yahay ee Golaha Wakiilada iyo tirada badan ee dhalinyarada murashaxiinta ah ee la doortay.
Si kastaba ha noqotee, doorashadooyinka ka dhacay Jamhuuriyadda Somaliland waxay horseed u noqonaysaa ama ay keenaysaa caddeyn dheeraad ah oo muujinay mudnaanta ah in ay hesho aqoonsiga caalamiga ah ee laga habsaamay.

Musharaxa helay codadka ugu badan doorashada golaha wakiillada Somaliland oo ah Barkhad Jaamac Batuun, wuxuu ka soo jeedaa qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee dhaqan ahaan loo takooro. Waa qareen soddon jira wuxuuna metelaa jiil cusub.

Wuxuu yidhi xilligii ololaha inuu doonayo inuu metelo dhammaan reer Somaliland, iyadoon loo eegin qabiilka uu ka soo jeedaan. Fariintaasi waxay ka heshay taageero badan.

Doorashadada ka dhacday Somaliland ayaa la rajaynayaa in ay horseed u noqon doonto aqoonsi caalami ah oo dalku muddo dheer damacsanaa. Sidoo kale, dhaqaale ahaan Somaliland waxay ku socotaa wadada saxda ah, waxayna xidhiidh la samaynaysay wadamada kale iyada oo aan loo eegin qadiyada ictiraaf raadinta.

Somaliland ma jirin dhacdo argagixiso tan iyo 2008, taas oo muujineysa sida ammaanka Somaliland u wanaagsan yahay. Taas oo ah xaqiiqda ah in dalal shisheeye ah ay sii kordhiyeen xiisaha ay u qabaan Somaliland.

Magaalada caasimada ah ee Hargeysa, waa magaalo kobcaysa oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya 1.2 milyan. Intii ka horraysay 1988 Somaliland wax Jaamacado ah ma lahayn, hadda waxay leedahay 25 jaamacadood, dhalinyarada ka qalin jabisayna aad ayay ugu wanaagsan yihiin dhismaha dalka.

In kasta oo aqoonsi la’aani jirto, haddana dawladda Ingiriiska waxay xafiis ku leedahay Hargeysa oo ay madax ka tahay diblomaasi Stuart Brown oo maalgashi ku samaysay mashaariicda gargaarka maxalliga ah.

Leave a Reply