“Soddon Cisho Gudahood Ayuu isugu Yeedhayaa Madaxweynaha JSL”

0
357

Hargeysa Dawan) Garyaqaanka guud ee Somaliland Cabdisamad Cumar Maal ayaa ka hadlay hanaanka loo soo dooranayo Shirguddoonka Golaha Wakiilada iyo Maayarada Magaalooyinka dalka.

Cabdisamad Cumar Maal oo shalay u waramayay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu intaasi ku daray in Madaxweynuhu iskugu yeedhayo Soddon Cisho gudahood Mudanayaasha Cusub ee Golaha Wakiilada Maalinta lagu dhawaaqo Natiijada kama dambaysta ah ee Doorashada.

Cabdisamad Maal oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi” “Soddon Cisho gudahood ayuu isku yeedhayaa Madaxweynuhu Mudanayaasha Golaha Wakiilada, maalinta lagu dhawaaqo Natiijada kama dambaysta ah Doorashada Golaha Wakiilada. waxaana dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre. muddo Soddon Cisho ah ayuu u qabanayaa Madaxweynaha Maalinta ay fadhiisanayaan Mudanayaasha Golaha Wakiilada, marka ay isku yimaadaan Mudanayasha Golaha Wakiilada waxa shirkooda furaya Guddoomiyaha Maxkamadda sarre oo dhaarinaya waxaana shirguddoominaya xubinta ugu dada weyn Mudanayaasha Golaha Wakiilada. waxaana lagu dooranayaa Shirguddoonka Golaha Wakiilada hanaan gacantaag ah.”

Sidoo Cabdisamad Maal ayaa waxa uu sheegay in qodobka 67aad ee Is-maamulka Gobalada iyo Degmooyinka Somaliland uu qeexayo hanaanka Kalfadhiyada Golayaasha Deegaanka dalka. Waxaana uu yidhi “Halka Madaxweynuhu isku yeedhayo Golaha Wakiilada, Golaha Deegaanka waxa iskugu yeedhaya Wasiirka Arimaha Gudaha waxaana dhaarinaya Mudanayaasha Golaha Deegaanka Maxkamadda Gobalka, sida uu sheegayo qodobka 67aad ee Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka ayaana qeexaya hanaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka.waxaana Shirguddoominaya mudanaha ugu dada wayn.dabadeedna waxa cod loo qaadayaa Xildhibaanada ku tartamaya hal dheeri ayaana lagu kala baxayaa waxaana Maayarka iyo ku Xigeenkiisa noqonaya Cida ay u codeeyaan Mudanayaasha Golaha Deegaanka,” .

Leave a Reply