Xukuumadda oo ka Hadashay Sababta Ay Illaa Hadda Aanay Fulin Qodobbada Heshiiskii Ay Kala Saxeexdeen Somaliland iyo Kenya

0
661

Hargeysa (Dawan)  Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay halkay ku dambeeyeen qodobbadii ay Somaliland iyo Kenya ku heshiiyeen dhammaadkii sannadkii hore, iyadoo labada Madaxweyne ay heshiiskaas kala saxeexdeen.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, ahna ku simaha Wasiirka Wasaaraddan, ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidh ay yeelan doonaan labada Baarlamaan ee labadan dal, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Kulankii ka dhacay xalay (habeen hore), Nairobi wuxuu ahaa kulan ujeedkiisu ahaa in lagu daah-furo madal ay yeelan doonaan Baarlamaanada Somaliland iyo Kenya, ujeeddaduna tahay inay ka shaqeeyaan xidhiidhka labada dal iyo saaxibtinimada labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha siyaasadda iyo dublamaasiyadda, waxayna daba socotaa xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, markaas waxaanu rajeynaynaa inuu wax badan ku soo kordhin doono oo wuu wax badan ka qaban doono xidhiidhka Somaliland iyo Kenya”

Mar uu ka hadlayey xidhiidhka labada dal wuxuu yidhi “Wuxuu caawin doono ama badhi taari doonaa xidhiidhkii labada dawladoodba oo Wasaaradaha labada dhinac ayuun buu kana badhi taari doonaa, maadaama Baarlamaanku ay matalaan Shacabka, markaas waxay noqon doonaan biriishkii isku xidhayey labada ummaddadood, dhanka dhaqaalaha, arrimaha bulshada, siyaasadda, wuxuu wax ku soo kordhin doonaa xidhiidhkii labada dalwadood, ee dhinaca fulinta”.

Mar wax laga weydiiyey heshiiskii labada dal ay wada galeen dhamaadkii sannadkii hore iyo sababtu u hirgali waayey ilaa hadda wuxuu ku jawaabay “Lama odhan karo wax natiijo ahi kamay soo bixin, ee kulankii Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha dalka Kenya ku kulmeen oo ahaa kulana guula, dhawr qodob ayaa lagaga wada hadlay oo ay ka mid ahaayeen inay Kenya xafiis ka furato Somaliland iyo inay Kenya Airways ay shaqo ka bilawdo ama duulimaad ay ka bilawdo Somaliland, hawshaasina meel fiican bay maraysaa, xidhiidhada ay Dawladduhu galaan waxay u baahan yihiin in farsamo ahaan lagu heshiiyo, markaas hawshaasi meel fiican bay marayaan qaarkoodna gabgabo ayey marayaan, sannadkana inta aanu dhammaan waxaanu rajeynaynaa in saddexdii qodob ee lagu heshiiyey inay fulaan, mar heshiisku wuxuu noqonayaa heshiis siyaasadeed marna fulintiisu danaha labada dal ayey ku xidhnaanaysaa, markaas hawshaasi meel fiican bay maraysaa”

Mar wax laga weydiiyey Xafiiska ay Kenya ka furan lahayd Somaliland iyo waliba duulimaadkii ay ka bilaabi lahayd halku ku dambeeyeen wuxuu ku jawaabay “Diyaaradda Kenya, wefti bay Somaliland u soo direen, duulimaadkeedii way cayimeen, Xafiiskii ay Somaliland ka furan lahaayeen kooxdii ka shaqeeyn lahaa ee Somaliland iman lahaa waa la magacaabay, meeshii ay Hargeysa ka degi lahaayeena way cayimeen, dawladaha heshiiskoodii wax si sahal ah u dhammaada maaha, markaas waxaanu ku rejo weyn nahay inay sida ugu dhakhsaha badan u fulo, Duulimaadka Kenya Airwaysna labada bilood ee soo socda wuu imanaya Somaliland”

Xigasho : Wargeyska Geeska Afrika

Leave a Reply