Gurigaagu Maaha Makhaayad Laga Cunteeyo !

0
428

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa gabadh ninkeeda kaga cabatay inuu saaxiibadiisa si joogto ah ugu casho keeno guriga, amar ku siisay ninka inuu furo. Gabadhan ayaa ninkeeda dacwad ah inuu casuumado casho ah oo joogto ah u sameeyo saaxiibadii ku oogtay.

Wargeyska Hürriyet Daily News ayaa daabacay in maxkamadda Saynub ee dalka Turkiga ay xukunka furiinka ku riday qoyskaasi. Ninka ayaa isaguna qirtay in arintaasi ay jirto.

Xaakinka maxkamadda ayaa markii uu dhawaaqayay go’aanka yidhi “  Oday, Maaha Gurigaagu makhaayad laga cunteeyo, gabadhaaduna dabaakh inay kuu tahay guriga kuuguma joogto”.

Ninkan ayaan ku qancin go’aanka maxkamada waxaan uu ka qaatay rafcaan. Maxkamadda rafcaanka ayaa iyana go’aankaasi hore ku raacday maxkamadda koowaad. Maxkamadda Rafcaanka ayaa cadaysay in ninkani uu si joogto ah saaxiibadii ugu yeero gurigiisa iyadoo aaney xaaskiisu ogoleyn, iyadoo maxkamaddu sheegtay inuu ninku rag guriga ku casuumo iyadoo aanay xaaskiisu raalli ka ahayn inay keenayso furriin isla markaana laga fasaqayo ninka arinkaasi caado ka dhigta..

Leave a Reply