Isbahaysiga Mucaaradka oo lagaga guulaystay labadii degmo ee u horreeyey is-doorashada Maayarrad

0
485

Hargeysa-(Dawan)  Golayaasha cusub ee degaanka labada degmo ee Berbera oo ah xatunta Gobolka Saaxil iyo Gar’adag oo ka tirsan Gobolka Sanaag, ayaa fadhiyadoodii u horreeyey ku doortay Maayarro ka soo baxay xisbiga KULMIYE.

Degmada Berbera waxa saaka mar kale Maayar loo doortay Maayar Cabdishakuur Maxamed (Cidin) oo ku guulaystay 8 cod oo ka mid ah 13 mudane ee Deegaanka loo doortay, halka Maayar-ku-xigeenka loo doortay Nuur Cabdi Jaamac (Cadde).

Dhinaca kale, Golaha Deegaanka degmada Gar’adag ee Gobolka Sanaag oo iyadana saaka golaheedu is-doorteen waxa maayar loo doortay Maxamed Cilmi Maxamuud iyo ku-xigeenka oo loo doortay Sahal Maxamed Ismaaciil, kuwaas oo labaduba ka soo baxay xisbiga KULMIYE.

Leave a Reply