Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo si Rasmiya u Ansixisay Natiijada Doorashada  Golaha degaanka ee Degmada Hargeysa

0
668

Hargeysa (Dawan)  – Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa maanta si rasmiya u ansixisay natiijada guddida doorashooyinka ee golaha degaanka ee degmada Hargeysa, waxaana ansixinta maxkamadda goob joog ka ahaa masuuliyiinta gobolka Marooijeex, saraakiil ka socday saddexda xisbi Qaran, taliyaha ciidanka booliska ee Somaliland, iyo mudanayaasha golaha degaanka ee la doortay.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex Cabdi Qawdhan Cabdi, oo fadhiga maxkamadda furay waxaa uu sheegay in aanay jirin wax dacwad doorasho ah oo soo gaadhay maxkamadda gobolka isla markaana waafaqsan sharciga.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxaa uu si rasmiya ugu dhawaaqay ansixinta natiijada hor dhaca ahayd ee guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, u soo gudbiyeen maxkamadda, iyada maxkmadduna mid mid u dhaarisay toddoba iyo tobanka xubnood ee noqonaya golaha degaanka ee degmada Hargeysa.

 

Leave a Reply