Doorashooyinkii dalka ka dhacay waxa ay ina bisaylka Xukuumaddeena

0
405

Qore: Maxamed Cumar Sheekh
Doorashadii dalka ka dhacday waxay dibada u soo saartay xilkasnimada iyo dal jacaylka Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo markii u horreysay taariikhda dalka ka hirgeliyey laba doorasho oo isku lammaan, kuwaasi oo muddo dheer muddo dhaaf ahaa.

Doorashooyinkii Golaha Wakiillada iyo Deegaannadu waxa kaloo ay caalamka u caddeeyeen, sida Xukuumadda Somaliland ay uga go’an tahay inay muujiso oo dhaqan geliso dimuqraadiyad aan nooceeda hore looga arag Geeska Afrika.

Xukuumadda dhexe ee Somaliland waxay aqbashay inay xilalka Hoggaanka goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka waaweyn intooda badan ay ku wareejiso Xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID oo ku guulaystay, mana jirto wax carqalad iyo cago-jiid ah oo Xukuumadda Madaxweyne Muuse arrintaasi kala hortagtay.

Waxase ka go’an inay ilaaliso sumcada ka dhalatay labada doorasho ee isa saaran oo ay noqotay xukuumaddii suurtogelisay, iyadoo dad badani hore walaac uga muujin jireen oo ay ku doodi jireen  in aanu dalku awoodi karin inuu laba doorasho israaciyo. Hase ahaatee waxa doorashooyinkii waddanka ka qabsoomay 31kii May 2021kii ay noqdeen kuwii ugu fududaa isla markaana ugu furfurnaa dhinac kasta.

Sidoo kale, waxyaabaha Xukuumadda ay ammaanta ku kasbatay waxa ka mid ah; in aanay sas ka qaadin isbahaysiga mucaaridka oo u bahoobay inay xisbul-xaakimka kaga guulaystaan maamullada degmooyinka dalka, waxase ay sheegtay inay xaq u leeyihiin inay is xulafaystaan.

Jamhuuriyadda Somaliland ha ku dedaasho sidii ay u sii haysan lahayd mucjisonimadeeda dhinaca dimuqraadiyada, iyadoo doorashooyinkii Wakiillada iyo deegaanku ay noqdeen qaar aan ka dhici karin inta badan 55ka dawladood ee Afrika. iyadoo xataa siyaasiyiin ka soo jeeda dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, ay fagaare ka sheegeen in dimuqraadiyada Somaliland tahay mid fajiciso ah oo u baahan inay wax ka bartaan, waxaanay qaarkood soo jeediyeen in Somaliland ay u qabato Soomaaliya siminaar la xidhiidha doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.

Waxaan ku soo gabogabaynayaa dimuqraadiyada iyo horumarka aynu beegsanaynaa waa intaas oo looga sii dhawaado.

Leave a Reply