Masuuliyiin kormeer ku tegay Dhismaha Hay’adda Kaydka Raashinka ee Berbera oo Dayactir ku socdo

0
367
Berbera(Dawan)-Dayactirka Dhismaha Hay’adda Kaydka Raashinka iyo ka hortagga Aafooyinka Somaliland ee Magaalada Berbera, ayaa meel fiican maraya, waxaana ilaa hadda dhamaaday boqolkiiba konton, sida uu sheegay Isuduwaha Wasaaradda howlaha guud, guriyeynta iyo Dhulka ee Gobolka Saaxil Mursal Cabdilaahi Ismaaciil oo kamid ahaa masuuliyiin kormeer ku sameeyey dhismahaasi.
Dhismahan oo ka kooban Laba Bakhaar oo waaweyn iyo Xafiisyo, gacantana ay ku hayso Shirkad Waddani ah oo ku guulaysatay qandaraaska dayactirkiisa, ayaa waxa maanta kormeer indho-indhayn ah ku sameeyey Guddoomiyaha Xafiiska Kaydka Raashinka, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Isuduwaha Wasaaradda howlaha guud ee gobolkaasi iyo masuuliyiin kale, kuwaasoo halkaasi warbixinno kaga dhegeystay Shirkadda dhisaysa.
Isuduwaha Wasaaradda howlaha guud, guriyeynta iyo Dhulka ee Gobolka Saaxil Mursal Cabdilaahi Ismaaciil oo ugu horayn ka hadlay shir-jaraa’id oo ay masuuliyiintu qabteen intii ay kormeerka ku jireen, ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo dhismuhu iyo qaybaha uu ka kooban yahay, waxaanu tilmaamay inay wasaarad ahaan si joogto ah ula socdaan howshiisa.
“Dayactirka dhismaha iminka boqolkiiba konton ayaa dhamaaday (50%), waxa dhiman boqolkiiba konton. inshalah waxaanu balanqaadaynaa ka wasaarad ahaan in aanu si joogto ah isha ugu hayno, si aynu u helno dhisme sidii aynu u doonaynay loo dayactiray. waa Bakhaaro ay dawladdu leedahay oo ay dawladdu munaafacaadsanayso markaa aadbaan u ilaalinaynaa”ayuu yidhi Isuduwe Mursal.
Guddoomiyaha Xafiiska Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheikh, ayaa dhankiisa sheegay in bakhaarradan qaranku baahi weyn u qabay, maadaama ay tahay Dekeddii dalka wax uga soo degayeen “runtii Berbera garab-rarrato ayaanu markii hore ku ahayn oo wixii nooga soo dega Dekedda ee mucaawimooyin ah waxaanu geyn jirnay meelo kale oo bakhaaro leh, laakiinse iminka marka dhismahani dhamaado waxa naga yaraanaya kharashkii badnaa ee nagaga bixi jiray rarka iyo soo celinta raashinka”ayuu yidhi Faysal Cali.
Guddoomiye Faysal ayaa intaasi ku daray “wax kasta oo Berbera inooga soo dega halkanbaa loogu kala qaybinayaa Bari iyo Galbeed oo aanu ugu talogalnay hadda wixii ka dambeeya. intani kuma filna baahida dhismaha loo baahan yahay, laakiinse waxaan rejjaynaynaa inaan mustaqbalka sii balaadhino”
Waxa uu sheegay inay dhismeyaal kale oo badan ka wadaan Magaalooyinka dalka, sida Gabiley, Burco iyo deegaamo kale “Dhismeyaashii umadda loogu talogalay in loogu adeego wax badanbaa inaga maqan oo dad gaar ahi qaateen, laakiinse haddana waxaanu ku deddaalaynaa in aanu baahiyaha jira daboolno. waxaan aad ugu mahad-celinayaa Wasaaradda howlaha guud oo gacan weyn naga siisay marwalba nagala shaqaynaysay”.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Xoghayaha Gobolkaasi iyo xubno kale oo kormeerkaasi qayb ka ahaa ayaa iyaguna bogaadiyey hirgelinta dayactirka lagu samaynayo Bakhaarradan.

Leave a Reply