Mustafe Shiine oo ku baaqay in la Ciqaabo dadka Calanka Soomaaliya ku dhex xidha Somaliland

0
732

Hargeysa-(Dawan)-Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo ka mid ah Siyaasiyiinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku baaqay in aan naxariis la tusin dadka calanka Soomaaliya ku dhex qaata Somaliland .

Mustafe Shiine ayaa sheegay in arrintaas haddii aan talaabo adag laga qaadin ay noqon doonto waddo halaq mareen ah .

“Ciyaalka ninka ku riyooday inuu kelidii taliye noqdo ee Xamar ku go’doonsan uu u gacan haadiyay ee calankii shacabkii ku qaldamay qaadashadiisa lagu dhex gawracay Somaliland ku dhex lulay waa inaan naxariis la tusin oo ay ka shalaayaan” ayuu yidhi
Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo qoraal ku baahiyey boggiisa Facebook-ga ayaa inta ku daray “Arrinkani haddii aan tallaabo adag laga qaadin wuxuu nagu noqon doonaa halaq mareenkii uu ka digay Cigaal Shidaad”

Leave a Reply