Ciidanka Booliska Somaliland oo xidhay konton dhallinyaro ah

0
472

Boorama-(Dawan) Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda somaliland ayaa labadii todobaad ee u danbeeyey xabsiga dhigay in ka badan konton dhallinyaro ah oo ku sugnaa magaalada boorama kuwaasi oo dabaal degga kow iyo lixdan guurada qarannimada jamhuuriyadda kusoo lebistay calanka Soomaaliya .

 

Ciidanka ayaa sheegay in dhallinyarada lagu xidhay saldhigyada kala duwan ee dalka islamarkaana la horgeynaayo maxkamaddaha dalka .

“Ciidanka Booliska Gobolka Awdal waxay xabsiga u taxabeen ku dhawaad kontan dhallinyaro(50) ah kuwaas oo la soo baxay calanka Somalia.

Dhallinyaradan ayaa qaarkood ku labisnayeen calanka halka kuwa kalana muqaalo iyo sawiro ay ku galayeen meel ka baxsan magaalada.
Dhallinyaradan ayaa hada ku kala xidhan xabsiyada dalka waxaana la hor gayn donaa maxkamada iyo xeer ilaalinta si ay uga gutaan waajibaadkoga.
Sida warar xogogaal ku helayaan laamaha amaanku waxa dhallinyaradan dabada ka hagaaya cid dano gaara leh, cidaas hagaysana waanu ku raad joognaa degdagna waa loo soo qaban Insha Allah” ayaa lagu yidhi war-murtiyeed kasoo baxay ciidanka

Leave a Reply