axkamadda Sare ee Distooriga ah oo soo gunnaanaday dhagaysiga Dacwadihii ka dhanka ahaa Doorashadii Wakiillada

0
350

Hargaysa (Dawan):- Maxkamadda Sare ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta soo gabo gabaysay dacwadihii la xidhiidhay natiijadii hor dhaca ahayd ee doorashadii golaha Wakiillada JSL Waxayna dhagaystay Maanta 8-dii dacwadood ee u danbeeyay.

Fadhigan Waxaa Shirgudoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali Waxaana ka soo qayb galay 9 garsoore oo kala ah oo kala ah ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Axmed Diiriye Qaalib, Yaxye Cali Idiris, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan iyo Cabdilaahi Cabdi Aadam oo ay wehelinayso kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Sahra Ismaaciil Cabdilaahi oo ay caawinayeen kaaliyayaasha kala ah Khadar Muuse Cabdi, Cabdisalaan Muuse Ducaale iyo Cumar Cabdiwahaab Siciid, ayaa maanta fadhi buuxa (Full bench) ku soo gabagabaysay dhagaysiga 8 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada JSL.

Warkan ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in Sida qorshaha ay Maxkamadda Maanta u qorshaysnayd dhagaysiga 9 dacwadood hase ahaatee waxa gunnaanadkii dhagaysiga dacwadaha soo xaadiri waayay hal murashax iyo qareenadiisii, taasi oo ka dhigaysa tirada la dhagaystay maanta 8 dacwadood, oo marka loo geeyo 14-kii dacwadood ee ay hore maxkamaddu u dhagaysatay noqonaya 22 dacwadood.

Fadhiga ay Maxkamaddu ku dhagaysatay dhammaan dacwadaha ayaa u furnaa dadweynaha danaynaya in ay dhagaystaan, sidoo kale dhagaysigii maanta waxa ka soo qayb galay kor-joogayaashii doorashada ee caalamiga iyo maxaliga ahaa. Iyadoo maxkamaddu u eegaysa dacwadaha ay dhagaysatay xeerka doorashooyinka iyo xeerarka kale ee la hal-maala, Warku waxa uu gabo gabadii sheegay in Maxkamadu dhawaan go’aan kama danbays ah ka soo saari doonto dacwadaha ay dhagaystay, si loogu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee golaha Wakiillada JSL.

Leave a Reply