“Madaxda Kenya Waxa ay Taageero Siinayaan Somaliland” Xildhibaan Maxamed Cilmi

0
366

Nairobi-(Dawan)-Xildhibaan Maxamed Cilmi Maxamuud oo xubin ka ah golaha barlamaanka Kenya ayaa sheegay in Madaxda dalkiisu ay diyaar u yihiin inay si dhaw ula shaqeeyaan Jamhuuriyadda Somaliland si loo horumariyo ganacsiga iyo isku xidhka bulshada ee gobolka.

 

 

Injineer Maxamuud oo ka mid ahaa wefti culus oo ka socda Kenya oo isugu jira hoggaamiyeyaal iyo ganacsato ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyey furitaanka rasmiga ah ee Dekedda Berbera ee la ballaadhiyey waxaanu sheegay in Somaliland ay ku talaabsatey horumar ballaadhan iyada oo aan aqoonsi ka haysa beesha calaamka.

 

“Daahfurka wejigii koowaad ee ballaadhinta iyo casriyeynta Dekedda Berbera iyo bilaabidda wejigiisa labaad. Waxa ay ahayd taariikh muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland iyo guud ahaanba Gobolka Bariga Afrika, Munaasibadan qiimaha leh ee 26juun waxay muhiimad weyn u leedahay maaha dadka reer Somaliland oo kaliya laakiin sidoo kale dhammaanteen,dadka af soomaaliga ku hadla. Waxay xusaysaa maalintii calankii ugu horreeyay ee xor ah oo madax-bannaan oo ay dad Soomaaliyeed leeyihiin la saaray.” ayuu yidhi

 

 

Xildhibaan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Kenya iyo Somaliland waxay leeyihiin xidhiidh taariikhi ah iyo xidhiidh wanaagsan. Waxaa nagu xidha waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin dhaxal taariikheed oo gumeyste ah. Waxaan haynaa tobanaan kun oo Kenyan ah oo ku abtirsada Somaliland oo xidhiidh firfircoon la leh xididdadooda. Laakiin dhawaanahan, waxaannu leenahay tiro isku mid ah oo Kenyan ah oo ku nool kana shaqeeya Somaliland oo ah waddankoodii labaad”

 

Xildhibaan Maxamed Cilmi Maxamuud oo xubin ka mid guddida arrimaha Kenya iyo Somaliland ayaa sheegay in dhawaan bilaabayaan wax kasta oo kor u qaadaya xidhiidhka labad waddan

 

 

Leave a Reply