Somaliland: War-murtiyeed ka kooban lix qodob oo ka soo baxay Shirweynaha Qaran ee Sakada

0
516

Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-War-murtiyeed lix qodob ka kooban, ayaa laga soo saaray shirweyne ku saabsan arrimaha Sakada oo Maalintii Isniinta ee todobaadkan ka furmay Magaalada Hargeysa, kaasoo la soo gebagabeeyey Salaasada maanta.

Shirweynahan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa furay Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxaana ka qaybgalay in ka badan lix boqol qof oo ka kala yimi Gobolada iyo Degmooyinka Waddanka.

Dood iyo falanqeyn laba maalmood socotay oo lagaga hadlayey arrimaha Sakada, cilmi-baadhiso la xidhiidha ahmiyada Sakada, tusaallooyinka guulaystay iyo sida Qaran ahaan looga faa’idaysan karo, kaddib waxa laga soo saaray shirkaasi war-murtiyeed lagu soo uruuriyey sida loo dabaqayo nuxurka qodobadii lagaga hadlay intii uu socday.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sh. Aadan Cabdilaahi Cabdile oo gunnaanadkii Shirkaasi Saxaafadda u akhriyey war-murtiyeedka, ayaa sheegay in si qoto dheer loogu lafa-guray ahmiyadda iyo waajibaadka Sakada, isla markaana diirrada la saaray sidii siyaasad iyo xeerarka qaran loogu samayn lahaa maamulka Sakada.

Agaasimuhu waxa uu intaasi ku daray inay Shirkan ka qaybgaleen, xubno kamida Golaha Wasiirrada,Culimada, Ganacsatada, Ardayda Jaamacadaha dalka iyo haldoorka kale, qodobada lagu soo qaadayna ay kamid yihiin sida ay Dawladdaha Islaamku u maamulaan Sakada, Caqabadaha ka ku xeerran arrinta Sakada iyo sida looga gudbi karo.

Sh. Aadan Cabdilaahi Cabdile ayaa xog-waran iyo faahfaahin kaddib, war-murtiyeedka oo qodobaysan warbaahinta u akhriyey “Dood dheer iyo fallanqeyn kaddib shirweynaha qaran ee Sakada waxa ka soo baxay warmurtiyeedkan soo socda:-
1. In Urruurinta Sakadu ay muhiim u tahay horumarka Bulshada, amniga iyo baabi’inta saboolnimada.
2. Inay muhiim tahay kor u qaadista wacyi-gelinta bulshada ee la xidhiidha barashada arrimaha Sakada iyo Axkaamteeda

3. Inay Dawladda waajib ku tahay nidaaminta, uruurinta, qaybinta iyo maamulka Sakada.
4.In la sameeyo cilmi-baadhis dheeraad ah, iyadoo laga faa’idaysanayo tusaallooyinka guulaystay ee wadamda Muslimka ah iyo gudaha Somaliland.

5. In kor loo qaado Kalsoonida isku-xidhnaanta Dawladda iyo Bulshada ee ku aaddan maamulka iyo maareynta Sakada.

6. In laga shaqeeyo sidii loo samayn lahaa Siyaasad iyo xeerrar la xidhiidha arrimaha Sakada.
“Ugu dambeyntii Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan culimo-awdiinka dalku inay ka qayb-qaataan horumarinta arrimaha Sakada”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Sakada ayaa ah Rukniga afaraad ee Tiirarka Islaamka, waxaana lagu waajib yeellay qof kasta oo Islaam ah oo haysta Hanti adduun oo gaadhsiisan sida Shareecada Islaamka ku soo arroortay.

Leave a Reply