Komiishanka xuquuqal insaanka Qaranka Somaliland oo War-ka-soo saaray Hablo ku xidhan Gabiley

0
570

Hargeysa (Dawan)  Komishanka xuquuqal insaanka Qaranka Somaliland, ayaa walaac kamujiyay xaalada 35 hablood, oo loo xidhay in ay calanka Soomaaliya qaateen.

Hablahan oo magaalada Borama laga soo xidhay 26 Juun, iyagoo sita calanka Soomaaliya, ayuu Komishanku sheegay in aan wali maxkamad lagayn, isla markaana qolalka xabsigu cidhiidhi ku yihiin.

Warkan qoraalka ah oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawn ay u dhigna sidan. “Koomishanka xuquuqal aadamaha Qaranka Somaliland, oo gudanaya waajibaadkiisa Qaran ayaa taariikhdu markii ahayd 30/6/2021 booqasho ugu tagay hablo dhallinyaro ah oo laga soo xidhay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Xubnahan oo ka socday guddida koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka ayaa booqasho ugu kuurgalay xaalada ay ku sugan yihiin hablan oo imika ku xidhan  xabsiga magaalada Gabiley.

Hablahan oo tiradoodu dhan tahay 35 hablood ayaa 26-kii June laga soo qabt mnagaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, iyaga oo lagu soo xidhay in ay xidhnaayeen calanka Soomaaliya.

Illaa haddana aan maxkamad la horgayn oo weli ku xidhan magaalada Gabiley

Haddaba xubnahan ka socday koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka oo waraysii la yeeshay hablahaas dhallinyarada ah ayaa waxa ay u xaqiijiyen in si wanaagsan ula dhaqnmeen ciidamada kala duwan ee gacanta ku haya iyaga oo sidoo kale sheegay in aanay jirin wax xadgudub ah oo ay ciidan kula kaceen muddadii ay xabsiga ku xidhnayeen.

Waxa Koomishanka xuquuqal iinsanka Qaranku walac ka muujinayaa in hablahan ku sugan xabsiga qayb  ka mid ahi ku jireen xilligii imtixanka ee jamacada.

Sidoo kale waxay cabasho ka muujiyeen goobah ay hablahasi seexdan oo cidhiidhi ku ah.

Ugu danbayntii Koomishanka xuquuqal insanka Qaranka Somaliland wuxuu ku baaqaya in hay’addaha ay khusayso arrinta hablah maxaabista ah inay sida ugu dhakhsaha badn kiiska u soo gaba-gabeeyan si ay u helan xuquuqdooda cadaaladdeed.”

Komiishanka xuquuqal insaanka Qaranka Somaliland oo War-ka-soo saaray Hablo ku xidhan Gabiley

Leave a Reply