Sheekh Maxamed Haybe oo ka Hadlay Waxyaabaha Sababta u Ah in Iimaanku Diciifo

0
500

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Haybe, kana mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa khudbadii Jimcaha ee uu ka jeediyay Masjidul Rashiid ee magaalada Hargeysa,   kaga hadlay in iimaanku diciifo waxyaabaha sababa u ah, waxaanu tilmaamay in iimaanku difaaco waxaa ugu horreeya macaasida iyo waxyaabaha la inoo diiday in aynu sahashano oo qofku si sahlan iskaga dhaco, in qofku qalbi adayg dareemo isla markaana uu dareemo in aanu qalbigiisu soo dabcaynin waxyaabihii ay ahayd in uu ku dabco marka uu la kulmo, in aanu cibaadadii dhammeystiraynin balse gacan bidixaynayo, in aanay saameyn ku lahayn oo aanay raad kaga tagaynin aayaadka Qur’aanka Kariimka ah.

Sidoo kale sheikh Maxamed Haybe, waxaa uu xusay in waxyaabaha hooga iyo halaaga lagu mutaysto ay ka  mid tahay in qofka qalbigiisu adkaado oo uu engego,  oo uu qalalo.

Sheekh Maxamed Haybe oo ay ruxday qalbiyada dadkii masaajidka u soo salaad tagay khudbadii uu jeediyay waxaa ay u dhacday sidan.  “Qalbigu waa halka ILLAAHEY adoomihiisa ka daalacdo, ALLE ma eego dadka muuqooda iyo haykalkooda balse waxa uu eega qalbiyadooda iyo acmaasha ay sameynayaan.

Nabi Maxamed SCW waxa uu tilmaamay haddii qalbigu hagaago in xubnaha jidhka oo dhami ay hagaagayaan.

Waxaa uu ALLE yidhi waxaa hoog iyo halaag u sugnaaday kuwa qalbiyadooda digriga ILLAAHEY ka qalaleen, waxaana janada loo balan qaaday qofka ILLAAHEY ka cabsanaya.

Waxyaabaha hooga iyo halaaga lagu mutaysto waxaa ka mida in qofka qalbigiisu adkaado oo uu engego,  oo uu qalalo.

Qur’aanka dhexdiisa waxaa la inoogu diiday qalbi qalalay iyo mid marka xidhan, iyo mid marka buka, iyo marka indhaha belay, iyo mida marka foorara.

In iimaanku difaaco waxaa ugu horreeya macaasida iyo waxyaabaha la inoo diiday in aynu sahashano oo qofku si sahlan iskaga dhaco, in qofku qalbi adayg dareemo isla markaana uu dareemo in aanu qalbigiisu soo dabcaynin waxyaabihii ay ahayd in uu ku dabco marka uu la kulmo, in aanu cibaadadii dhammeystiraynin balse gacan bidixaynayo, in aanay saameyn ku lahayn oo aanay raad kaga tagaynin aayaadka Qur’aanka Kariimka ah”

Leave a Reply