Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Beeniyay in uu Iscasilayo

0
650

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Salebaan Maxamuud Aadan ayaa beeniyey inuu warqad is casilaad ah uu u gudbiyey Madaxweyne Biixi,waxaanu sheegay in haddii uu jagadaa bannayno uu u sheegayo Golaha u doortay Guddoomiyenimada Golaha Guurtida.

Waxaanu sidan ka sheegay guddoomiye Saleebaan fadhigii saaka ee golaha guurtidda Somaliland.

“Golahani isaga ayaa i doortay, Madaxweyne ima doorran Dawladdi ima doorran, cid kale uma doorran ,haddii aan warkaa aad raadinaysaan bixinayo Golaha ayaan u sheegayaa “ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan

Leave a Reply