Gabiley: Shil gaadhi oo sababay dhimasho iyo dhaawac

0
720

Hal Qof ayaa ku dhintay, 8 kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo shil gaadhi oo ka dhacay duleedka Magaalada Gabiley, kaddib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo ka kala yimi Magaalada Boorama iyo Magaalada Arabsiyo.

Shilkan oo dhacay subaxnimadii hore ee saaka, ayaa waxa labada gaadhi ee isku dhacay kala ahaayeen Lancriuser iyo Noah.

Saraakiisha Caafimaadka ee Degmada Gabiley iyo Ciidanka nabad-gelyada wadooyinka, ayaa halkaasi ku yimi gurmad deg deg ah, waxaana dadka dhaawacmay loola cararay Cisbitaalka guud ee Magaalada Gabiley.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply