Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Xarunta Xakamaynta iyo La Dagaalanka Ayaxa Ee Barriga Afrika

0
291

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii hore ee la dagaalanka Ayaxa ee Barriga Afrika oo dib u habayn iyo casriyayn lagu samaynayo.

Xaruntan la dagaalanka Ayaxa ee Barriga Afrika ayaa soo martay marxalado kala duwan, taasoo markii  u horaysay ay dawladda bqorotooyadda Ingiriisku  dhistay sanadkii 1948-kii, halka mar kale dib habayn lagu sameeyay wakhtiyadii ay dalka Soomaaliya ka talinaysay dawladda Siyaad Barre.

Iyadoo ahayd xarunta la dagaalanka Ayaxa ee Barriga Afrika, isla markaana ay yaaleen Sunta lagu buufiyo Ayaxa ee ay isticmaalaan diyaarraduhu. Hase yeeshee, xaruntani ayaa ku bur-burtay dagaalkii lala galay dawladii milateriga ahayd ee Siyaad Barre.

balse shalay ayay mar kale suurto gashay in 30 sanadood kadib, mar kale dib loo hawl geliyo xaruntaasi, isla markaana ay dib u bilawdo hawlaheedii xakamaynta iyo la dagaalanka Ayaxa ku habsadda am aka dilaaca wadamadda Barriga Afrika.

Wasiirka beeraha waxaa dhagax dhiga xaruntaasi ku  wehelinayay wasiirka xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Somaliland  iyo madaxa haayadda FAO ee arrimaha beeraha.

Waxaana dhismaha xaruntaasi maalgelinaysa haayadda FAO oo la kaashanaysa wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, taasoo laga hirgelinayo magaaladda Hargaysa.

Wasiirka ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in ay muddo 30 sanadood ah kadib dhagax dhigaan dib u habaynta lagu samayno xaruntani. Isagoona u mahad celiyay haayadda FAO oo ka gacan siinaysa hirgelinta dhismaha xaruntani.

“Waxaan u mahad naqayaa haayadda FAO oo nagala shaqaysay in mashruucani balaadhan ee dhismaha xarunta la dagaalanka Ayaxa. Mahad naqa labaadna waxaan siinayaa, shaqaalihii ilaaladda ka ahaa, xaruntani mudadaa 30-ka sanadood ahayd. Kana ilaalinayay in dadkeena oo dhulka aad u jecel ay ku soo durkaan.  Tacab badan ayay geliyeen ilaalinta xaruntani, iyadoo wasaaradda beeruhuna ku dul kormeeraysay.

Xaruntani wakhtigii ay boqortooyadda Ingiriisku gacanta ku haysay in badan oo ka mid ah wadamadda Barriga Afrika, marka laga reebo Itoobiya, waxay ahayd xaruntii laga maamulayay dhulka Somaliland marka uu ku habsado Ayaxu”.

Ayaxa ayaa labadii sanadood ee u danbeeyay dhibaatooyin ku hayay dalalka Barriga Afrika oo ay Somaliland na ka mid tahay, kaasoo waxyeeleeyay dalagyadda iyo wax soo saarka beeraha ee deegaamadda Somaliland.

Hase yeeshee Axmed Muumin Seed, oo hadal ka jeediyay goobtii lagu dhagax dhigayay xarunta xakamaynta Ayaxa ee magaaladda Hargaysa ayaa sheegay in xaruntani ay wax badan ka tari doonto la dagaalanka Ayaxa ee guud ahaanba dalka Somaliland iyo wadamadda Barriga Afrikaba.

Waxaanu yidhi,  “Somaliland sideedaba, waa meelaha uu mar walba xeebaheedda ka dilaaco Ayaxu, ama uu ka soo tallaabo Badda Cas. Sidaa darteed, ayaa halkani fadhiisin ama xarun looga dhigay. Iyadoo xaruntani mudadii ay shaqaynaysay wax badan ay ka tartay dhinaca la dagaalanka Ayaxa.

Mar xalado badan ayay xaruntani soo martay. Marxaladii labaad na waxay ahayd waxay ahayd,  xaruntii maamulka la dagaalanka Ayaxa ee Geeska Afrika, gaar ahaana wasaaradda beeraha. Waxaana laga maamuli jiray, waagaasi miisaaniyad ay isla kaashadeen wasaarrado.

Laakiin, inta badan ay masuuliyadda haysay wasaaradda beeruhu. Waxaana farsamo ahaan maar walba xagga danbe u joogtay haayadda FAO.

Marxaladahaasi faraha badan ee ay xaruntani soo martay, maanta (shalay) waxaynu joognaa marxa.

Leave a Reply