Faylasuuf Saadaaliyay Maalinta Dhimashadiisa!

0
648

Mr.Geronimo Cardano oo aqoon weyn u lahaa xisaabta waxa uu ku dhashay dalka Talyaani bishii September 24, sanadkii 1501, waxaana u qayb weyn ka qaatay wakhtigii fufuka horumarinta . Cardano waxa uu ahaa Talyaani ah, aqoontiisu ayaa u ballaadhatay , waxa uu aad u yaqaan xisaabta, Dhakhtarnimo, bayoolaji, fiisikiste, kimister, xidigis, falsafad, qoraalada,.

Waxa uu ka mid ahaa xisaabiyeyaashii ugu saameynta badnaa ee sebenkii fufka, waxa waxaana uu ahaa mid ka mid ah tiirarka aasaasiga u ah xisaabta itimaalka ( probability) iyo weliba soo-saaraha ugu horeeyay ee isugeynta isku dhafadka binomial. Waxaana uu qoray in kabadan 200 oo ku saabsan cilimga sayniska.

Cardano waxa uu qayb ahaan curiyay dhowr aaladood oo farsamo oo ay ka mid yihiin qufulka isku rakiban, gudbinta dhaqdhaqaaqa wareega ee xaglo kala duwan waana farsamada gawaadhida loo adeegsado ilaa manta.

Maanta, waxa uu caan ku yahay guulaha uu ka gaadhay aljebra. Buuggiisii Ars Magna ee uu qoray sanadkii ‘1545’, waxa uu ku sameeyey adeegsiga ugu horeeyay ee nidaamsan ee tirooyinka taban ee Yurub, isagoo daabacay iyadoo la tixraacayo xallinta xisaabaadka kale ee isla’egyada isku jira iyo afar geesoodka ah, waxaana uu qirey jiritaanka tirooyinka male-awaalka ah.

Maanta, waxa uu caan ku yahay guulaha uu ka gaadhay xisaabta aljabra. Waxaana uu sameeyay nidaamkii ugu horeeyay ee tirooyinka taban ee Yurub,   Geronimo Cardano waxa uu aad u aaminsanaa faalka iyo inuu dadka wax uga sheego mustaqbalka. Maalin ayaa la weydiiyay bal inuu dadka u sheego maalinta uu dhimanayo maadama uu dadka uga waramo mustaqbalka, waxaana uu si fudud u yidhi :” Anigu waxaan dhimanaya maalinta 21 Septemebr , 1576”.

Markii la gaadhay maalintaasi isagoo caafimaadkiisu aad wanaagsan yahay ayuu dhintay ka dib markii uu is dilay, waxaana uu aamanay haddii aanu manta dhiman in xataa haddii uu sii noolaado aan qof danbe waxba ku rumaysan doonaan sida awgeed ay tahay inu dunida macasalaameeyo.  Diinta ayaa xoojisaa miisaanka caqliga Aadamiga, aqoon kasta iyo fikir kasta iyo nolol kasta oo aad u wanaagsan oo ad ku jirta kuma muuqanayso marka qalbigu ka madhan yahay caqiido iyo rumaynta Allah (sw).  (en.wikipedia.)

 

Leave a Reply