Maxkamada sare ee Somaliland oo laashay Dhamaan dacwadihii Musharixiinta

0
631

Hargeysa (Dawan) Maxkamada sare ee Somaliland, ahna maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, ayaa si rasmiya u laashay 20 dacwadood oo ay usoo gudbiyeen musharixiin ka cabanayay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada wakiillada Somaliland ee dalka ka qabsoontay.

Maxkamadda sare ayaa soo saartay war qoraal ah oo ay ku shaacisay in gabi ahaanba ay laashay dacwadihii natiijada hor dhaca ah ee golaha wakiillada Somaliland, ee ku taariikheysna 21-ka bishii June, kuwaas oo ay u soo gudbiyeen 20 murashax oo dacwad ka dhan ah natiijada hordhaca ah ee koomishanka doorashooyinka soo saaray, iyaga oo sheegay in aanay ku qancin isla markaasna maray hannaanka dacwadaha loo maro, maxkamadduna ay ka aqbashay in laga qabto araajida dacwadahooda kadibna la dhageystay.

Dhageysiga dacwadahan ayaa maray dhawr kalfadhi oo ay yeesheen garsoorayaasha maxkamada sare ee Somaliland, balse markii ay gabagabeysay dhageysiga dacwadahani waxa ay soo saareen go’aankan laalista ah oo ku taariikheysan 3 bishan July, iyada oo ku dhawaaqday go’aanka laalista maadama oo ay ku sababaysay natiijada hor dhaca ah ee guddida doorashooyinku ay soo saareen ay sax tahay, sidaasi darteedna cabashooyinkani aanay lahayn saldhig sharci, waxaana go’aanka laalista ku saxeexna toban xubnood oo ah guddida garsoorka Somaliland.

Waxaana xusid mudan in maxkamaddu go’aanka natiijada hordhaca ahayd soo saari doonto dhawaan.

1 Waxay diiday arjiga dacwadaha ee dacwoodaha Yuusuf Axmed iyo Qareenadiisa ee ku taariikhaysan 13/6/2021 iyo dood-afeedkoodiiba.

2 Waxa aqbashay jawaab celinta guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo qareenadooda ee maxkamadda soo gaadhay 21/6/2021 iyo dood afeedkoodiiba.

3 Waxay xukuntay in natiijada hordhaca ah ee ay koomishanka doorashooyinka Qaranku ugu dhawaaqeen dacwooduhu ay sax tahay cabashadiisuna aanay lahayn saldhig sharci.

4 Xukunkani waxaa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 3/7/2021.

Guddida Garsoorka.

1 Aadan Xaaji Cali Axmed Guddoomiye

2 Maxamed Cumar Geele xubin

3 Cabdilqaadir Axmed Maxamuud xubin

4 Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan xubin

5 Maxamed Faarax Siciid xubin

6 Axmed Diiriye Qaalib xubin

7 Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan

8 Yaxye Cali Idiris xubin

9 Cabdillaahi Cabdi Aadan xubin

10 Cabdiraxmaan Xasan Nuur xubin

 

Leave a Reply