Madaxweynaha JSL Oo Qaabiley Xildhibaankii U Horeeyey Ee Isagoo Madaw Ah Ku Soo Baxa Golaha Wakiilada Dalka Finlan

0
664
Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo ah xildhibaan asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, dhawaana loo doortay inuu ka mid noqdo golaha wakiilada ee dalka Finland, isla markaana ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ee caasimada dalkaasi ee Helsinki, isagoo noqday taariikhda markii u horaysay ee uu ka soo muuqdo masuul asal ahaantiisu ay tahay madaw saafiya oo aan iska dhal ahayni.
Waxaana kulanka madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wasiiradda wasaaraddaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan.
Xildhibaanka oo safarkii sii u horeeyey intii la doortay uu kaga baxo dalka Finland ayaa go’aansaday inuu ku yimaado dalkiisi hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu maalmo kooban ku joogi doono booqasho, waxa madaarka ku soo dhaweeyey wasiirada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo ay wehelinayaan masuuliyiin kale oo ka mida xukuumada.

Leave a Reply