Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Digniin Adag Diray

0
503
Hargeysa-(Dawan) Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Iyo difaaca baddaha Jamhuuriyadda  Somaliland, Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa uga digayaa dadka degan degaanada xeebaha Somaliland in ay ajaanibta ka caawiyaan dhoofinta duurjoogta iyo keenista kootarabanka uu ka mid yahay hubku.
Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa sheegay in ciddi lagu helo danbigaas muwaadin iyo ajaaniba sharciga la horgayn doono ciqaab adagna ay mutaysan doonan sida xeerku dhigaayo.
Taliye Xiirane ayaa faray Dhammaan taliyayaasha saldhigyada, barada hoos yimaada in ay fiiro gaara ay u yeeshaan si gaarana ula socdaan una ilaaliyaan xeebaha Somaliland

Leave a Reply