Dhismaha Cusbitaalka Dhimirka ee Laascaanood oo la Dhagax Dhigay

0
677

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. maxamed Cabdi Xergeeye,  ayaa shalay magaaladda Laascaanood ka dhagax dhigay cusbitaalka loogu tallo galay xanaanaynta iyo daryeelka dadka Dhimirka ka buka.

Dhagax dhiga cubsitaalka Dhimirka Laascaanood waxaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ku wehelinayay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Sool.

Waxa kaloo halkaasi goob joog ka ahaa  agaasimaha cusbitaalka guud ee Laascaanood iyo maayarka cusub ee degmadda Laascaanood  iyo masuuliyiin kale.

Dhismaha cusbitaalka Dhimirka Laascaanood ee shalay laga dhagax dhigay oo laga dhisayo gudaha cusbitaalka guud ee magaaladda  ayaa dhaqaalaha ku baxaya laga maalgelinayaa miisaaniyadda qaranka ee dawladda Somaliland.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. maxamed Cabdi Xergeeye, oo hadal ka jeediyay goobtii dhagax dhiga. Waxaanu yidhi, “Waxaan dhagax dhigaynaa, qaybtii Dhimirka ee uu yeelan lahaa cusbitaalka guud ee Laascaanood.

Sida aad og tihiin cusbitaalka Laascaanood, waxa uu ka mid yahay cusbitaaladda ugu balaadhan, ee ka jira jamhuuriyadda Somaliland. Marka ay noqoto xagga qalabka (infrastructure), iyo xagga addeegaba. Waxaana laga maalgelinayaa dhaqaalaha ku baxaya dhismahani miisaaniyadda qaranka Somaliland”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, waxa kaloo uu sheegay in mudadda uu socdo dhismaha cusbitaalkaasi in la sii tababari doono dhakhaatiirtii iyo kal-kaalieyaashii caafimaad ee  ka hawl geli lahaa.

Iyadoo dadka Maskaxda ka buka loo samayn doono daawayn iyo baadhitaano bilaash ah, isla markaana loogu tegi doono meelaha ay joogaan.

“Qaybtan Dhimirka, dhakhaatiirtii iyo shaqaalihii ka hawl geli lahaa, waa in si deg deg ah looga hawl gallo, inta uu socdo dhismuhu. Waxaana la sii bilaabi doonaa bukaan socodkii (outpoint)-kii qaybta Dhimirka, oo dhakhtar iyo kal-kaaliyeyaal ba (nurses) si deg deg ah loo soo tababari doono.

Muddo gaaban markay tababarka soo qaataa na, ay hawsha sii bilaabi doonaan inta uu dhismuhu socdo. Waxaa la samayn doonaa in xanuunadda Dhimirka, ee markii hore meel lagu daaweeyo aan lahaynin, in imika la heli doono meel lagu daaweeyo, oo bukaan socodkii (outpoint) ahaan loo sii daawayn doono.

Iyadoo (Our reach) la samayn doono, oo guryaha lagu soo booqan doono dadka. Meelaha kale ee qof lagu tilmaama na la soo eegi doono, dadkaana la siin doono daawo iyo baadhitaan bilaash ah, oo ay bixinayso qaranka jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi Dr. Xergeeye.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu ydihi, “Aad ayaan u hanbalayaynayaa maamulka gobolka, maayarka, maamulka cusbitaalka, iyo maamulka gobolka ee caafimaadka, siday u wada shaqaynayaan, iyo siday dadka ugu shaqaynayaan”.

Dr. xergeeye, ayaa isla shalay kormeer ku soo maray cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood, halkaasoo uu kulan kula qaatay maamulka cusbitaalka iyo masuuliyiinta maamulka caafimaadka ee gobolka Sool.

Sidoo kale agaasimaha cusbitaalka Laascaanood Fahiima Koosofaare, oo iyadna halkaas ka hadashay ayaa tilmaantay bulshadda gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood ay baahi weyn u qabeen helitaanka cusbitaal lagu xanaaneeyo dadka Dhimirka ka buka.

“Waxaa muuqda, oo wasaaradda caafimaadka dedaalkeeedii ah, oo maanta (shalay) halkan laga dhagax dhigayaa qaybta Dhimirka ee cusbitaalka Laascaanood. In badan ayay magaaladu u baahnayd. Qaybtaasi waa qayb aad iyo aad baahi weyn loogu qabay.

Waxaad arkaysaa dad badan oo Waalan, oo Gudaafadaha iyo Laamiyadda marraya, oo aad mooddo in aanay dadkoodii haysan ama dadkoodii meel ay keenaan oo laga daaweeyo ay waayeen”.

“Waxaa maanta (shalay)  farxad noo ah, iyadoo agaasimuhu uu dhagax dhigayo qaybtii dadka Dhimirka ka buka, oo haddii ALLE SWT idmo dhakhso inoogu bilaabmaya, oo dadka Maskaxda ka xanuunsanayo oo dhan loogu shaqayn doono.

Waxaan filayaa marka ay halkani inoo dhisanto, in dadkii badnaa ee aan ogaa, ee Miyiga iyo tuullooyinka lagu hayay in la keeni doono. Kana faa’iidaysan doonaan, waana mashruuc aanu sugaynay. Aad iyo aad baan ugu hanbalyaynaynaa wasiirka caafimaadka, iyo agaasimaha guud ba” ayay tidhi marwo Fahiima Koosofaare.

Geesta kale, isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Khaliif Cabdi, ayaa isna sheegay in dhismaha cusbitaalkani uu wax badan ka tari doono baahidii ay qabeen dadka Dhimirka ka buka.

“Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Dhimirka, runtii waa baahi ka jirtay gobolka Sool. Waxaanan leeyahay wasiirka caafimaadka iyo agaasimaha guud ba, waxaynu taabanay baahi ka jirtay gobolka Sool.

Sida qorshuhu yahay, si dhakhso ah ayaa loo dhisayaa xaruntani. Kooxihii ka hawl geli lahaana waa loo diyaarinayaa” ayuu yidhi isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo isna ka hadlay goobtii dhagax dhiga ayaa sheegay in dadka Dhimirka ka bukaa ay yihiin kuwa ugu nugul bulshadda, isla markaanay ay haysatay dhibaato ah in aanay jirin meel lagu daaweeyo.

Hase yeeshee hirgelinta cusbitaalkaasi ay noqonayso in ay hadda helayaan meel lagu daaweeyo laguna xanaaneeyo. Waxaanu yidhi, “Waxaa maanta (shalay) xarunta gobolka Sool  ee  Laascaanood laga dhagax dhigayaa, cubsitaalkii Dhimirka. Cusbitaalkani oo aan og nahay in baahi badan loo qabay.

Dadka Dhimirka ka buka, waxay dadkaasi yihiin dad nugul, oo dhibaatadda ugu badan ee nolosha aadanaha soo wajahdaa na, waa dadka ay haleesho.  Wax walba iyaga ayaa u nugul.

Markaa in ay maanta daryeel heli doonaan, meel ay caafimaad u soo doontaan, daawayn na lagu siiyo, lagula na taliyo, noloshooda na wax lagaga qabto, ayay helayaan.

Waxaan aad ugu mahad celinayaa wasaaradda caafimaadka Somaliland agaasimaha guud, wasiirka, wasiir ku-xigeenka iyo dhamaanba madaxda iyo shaqaalahaba”.

Dhinaca kale waxaa isna halkaasi ka hadlay maayarka degmadda Laascaanood oo xukuumadda Somaliland gaar ahaana masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka uga mahad celiyay hirgelinta cusbitaalkaasi.

“Waxaan uga mahad naqayaa wasaaradda caafimaadka iyo agaasimaheedda guud ba, in aynu maanta (shalay) dhagax dhigayno cusbitaalkii Dhimirka, oo ka dhimanaa cusbitaalka weyn ee degmadda Laascaanood. Aad iyo aad na aynu baahi ugu qabnay, dadkuna ay cadib naayeen.

Waanan idiinka mahad naqayaa agaasime, adiga iyo wasiirka caafimaadka iyo xukuumadda dhexeba, 100% ayaan idiinkaga mahad celinaynaa. Cusbitaalka degamdda Laascaanood, waxyaabo aad iyo aad u badan ayaa u qabsoomay. Inagoo isku tashanay, xukuumad iyo shacab ba” ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

Leave a Reply