Wasiirka Deegaanka Oo Ka Hadashay Dhibaato Ka Dhacday Dooxadda BIJI

0
438

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay in la xaliyay dhibaato ka taagnayd deegaanka dooxadda Biji oo ku yaalla Woqooyiga  gobolka Gabiley.

Dooxaasi oo maalmihii ina dhaafay ay ka taagnayd dhibaato u dhaxaysay dadka deegaankaasi, kuwaasoo Gubay, isla markaana baabiiyay dhul aad u fara badan oo ay markii hore si sharci darro ah u ooteen dadka deegaankaasi.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo shalay shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeedda waxay sheegtay  in dooxa Biji oo ku yaalla meel ay ku kulmaan saddexda gobol ee Gabiley, Maroodijeex, iyo Awdal in ay ka hawl galeen maamulka saddexdaasi gobol, oo ay wehelinayeen madax dhaqameed iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda deegaanka Somaliland.

Wasiirku waxay tilmaantay in dooxadda BIJI  dhibaato sidan oo kale ahayd ay ka dhacday sanadkii 2017-kii, balse la soo af-jaray kadib markii ay xukuumadda Somaliland iyo odayaasha iyo waxgaradka deegaamadaasi ka hawl galeen.

Wasiirka ayaa arrintaasi ku tilmaantay in ay ka mid tahay dhibaatooyinka dhul-boobka oo tobankii sanadood ee u danbeeyayba ka taagnaa dhamaanba goboladda dalka Somaliland.

Waxaanay tidhi, “Tobankii sanadood ee u danbeeyay ba, waxaa dalkeena isa soo tarayay dhul-boobka. Waxaa si weyn isku soo tarayay dhul-boonka xad dhaafka ah. Gobol kasta markaad eegto imika qaylo ayaa ka taagan.

Kii ugu danbeeyay wuxuu ahaa dooxa BIJI. Dooxaasi oo ay dooxyadu biyaha ku wada shubaan, kadibna Badda ku darra.  Sanadkii 2017-kii, dooxaasi BIJI, sidaas si la mid ah ayaa ka dhacday. Dhibaatadaasi dhibaato leeg ayaa ka dhacday.

Berigaa waxaanu is lahayn, waa la xaliyay, oo waa la isugu wadda tegay. Dhibaatadda halkaa ka dhacday.  Hadana maanta ayay soo noqotay. Dhul la baabiiyay, dhul la gubay, ayaa jiray, oo ay dadku tegeen, oo aanu anagu tagnay. Saddexda gobol  ee  dhulkaasi ka dhexeeyaa, waa Maroodijeex, Gabiley, iyo Awdal”.

Shukri Baandare, ayaa u mahad celisay maamulka goboladda Maroodijeex, Gabiley, iyo Awdal iyo cuqaasha iyo waxgaradkii ka hawl galay debinta dhibaatadda ka taagan dooxadda Biji.

“Dhibaatadii halkaa ka dhacday waxaa isugu tegay badhasaabka Awdal, badhasaabka Gabiley, iyo badhasaabka Maroodijeex, iyo booliska oo la socday. Waxaa la socday koox ka socotay wasaaradda deegaanka, oo uu hogaaminayay isku-duwahaa wasaaradda deegaanka ee  gobolka Maroodijeex.

Waxa kaloo iyaguna meesha joogay, oo aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa cuqaashii, odayaashii iyo waxgaradkii jiidahaasi.  Hawl baa ka soo gaadhay dawladda Somaliland dhacdadaasi. Tacab baa ku baxay, kharash baa ku baxay, wakhti baa ku baxay.  Goboladda kalena waa la mid, taasoo keliya ma aha. Waa dhul-boob sidiisii ah, oo caadi ah” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Geesta kale wasiir Shukri Baandare, waxay sheegtay in ay ka wasaarad ahaan qorshe  ka leeyihiin arrimaha dhul-boobka ee goboladda dalka ka taagan, iyagoo u marraya shuruucda iyo xeerarka ay wasaaradu ku shaqayso.

Iyadoo dhulka dooxadda BIJI oo muddo ka maqnaa gacanta dawladda wixii hadda ka danbeeya dib loogu soo celin doonno dawladda, isla markaana loo aqoonsaday dhul-daaqsimeed.

Cidii mar kale isku dayda in ay oodato ama beerro ka dhigato in sharciga lala tiigsan doono, sida ay sheegtay wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare. Waxaanay tidhi, “Waxaan doonayaa in aan idin la wadaago, qorshaha ay wasaaradu ka leedahay, iyadoo aanu dabaqayno xeerarka iyo siyaasadaha ka soo baxay ee aanu ku shaqayno. Waxaanu idiin sheegaynaa in aan qofnaba loo joojinaynin.

Dhulka marka aad sharci darro ku boobto, aad sharci darro ku xidhato,  ee weliba inta aad dhirtii soo Garraacdo, aad ku Oodo, adigoo qaranka ka galay denbi, oo weliba soo bacanaya, oo aan weliba lagaa qabanin, markii lagu arkayay na, aanay cidi kaa qaybanin. Sharciga ayaa lagula tiigsanayaa. Waana lagaaga daba imanayaa”.

“Waxaan doonayaa in aan halkan ku xuso, dhulkii BIJI, oo muddo lagu maqnaa, inuu dhulkaasi noqdo dhul-daaqsimeed ayaa la isla gartay. Yaan lagu soo hungoobin, oo cid kale ku soo hungoobin.

Anagu waxaanu leenahay, maanta qaranku ma qaadi karro dhul-boobkan  socda. Ma qaadi karro xaalufka socda. Seereyaashan la deegaamaynayo ma qaadi karro. Dhirtan la goynayo ee faraha badan ma qaadi karro.  Waxaas oo dhan in la soo celinayana waxaa ku baxaya tacab, iyo kharash iyo wakhti” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Wasiirka deegaanka ayaa bulshadda Somaliland ka codsatay in ay kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka lagu hayo deegaanka. Waxaanay tidhi,  “In la nala shaqeeyo ayaanu doonaynaa. Ummadu in ay nala shaqayso.

Haddii aayaha iyo mustaqbalka ilmahaaga aad ku duusho, ama waxa ay ummadu wada leedahay aad ku duusho, oo habeen iyo maalinba aanad u aabo yeelaynin, oo aad dhacaysaan, cidna laga yeeli mayo”.

Geesta kale wasiirku waxay sheegtay in laba habeen ka hor  ay dad gaadhaya sagaal qof laga soo xidhay deegaanka Qoton-dabbo, oo ka tirsan degmadda Sabo-wanaag ee gobolka Maroodijeex, kuwaasoo si arxan darro ah u gumaaday dhir aad u fara badan.

“Habeen hore jiidda deegaanka Qoton-dabo, waxaa laga soo qabtay dad baa laga soo xidh xidhay, sagaal qof baa laga soo xidhay. Saq dhexe ayaana magaaladda la soo geliyay. Dhul dhan bay xaalufiyeen, oo aanay waxba kaga tegin ba. Kaymo dhan bay dhulka dhigeen, oo aanay waxba kaga tegin dadkaasi.

Mar haddii aan loo aabo yeelaynin, geed iyo dhul iyo xaaluf taagan, habeen iyo maalinba, oo xaalufkaasina ay iyagu sababayaan. Mar haddii aan loo aabo yeelaynin, aayihii iyo msutaqbalkii dalka, dawladuna wixii kaga haboon bay ka qabsanaysaa. Sharciga ayaana lala tiigsan doonaa” ayay tidhi wasiirka deegaanku.

Waxa kaloo ay wasiirku sheegtay in ay si deg deg ah wax uga qabanayaan dhuxusha lagu shido Foornooyinka Roodhiga lagu dubbo ee magaaladda Hargaysa, kuwaasoo loo isticmaallo dhuxusha laga soo shiday dhirta qoyan.

Waxaanay ka codsatay mulkiileyaasha Foornooyinka Roodhida in dhuxusha ay Roodhida ku dubayaan in ay ka soo shidaan Geedka Garanwaaga.

Wasiirka ayaa sidoo kale shirkadaha soo dejiya Shooladaha Gaasta cuntadda lagu karsado in ay gaadhsiiyaan goboladda barriga dalka, isla markaana ay bulsahdda qiimaha u jebiyaan.

“Anagu maalin dhaw, weliba sida ugu dhakhsaha badan leh, waxaanu joojinaynaa in laga soo Xaabaysto, Xaabo aan ahayn Garanwaaga, goboladda leh. Waana in ay Roodhida Foornooyinku ku dubaan Xaabadda Garanwaaga.

Shirkadaha soo dejiya Gaasta cuntadda lagu karsado, iyo Shooladaha, waxaan leeyahay gaadhsiiya goboladda Barriga.  Una jebiya qiimaha lagu iibiyo, gaadhsiiyana” ayay tidhi wasiirka deeganku.

Dhinaca kale, wasiirka deegaanka Somaliland waxay sheegtay in ay tallaabo ka qaadayaan dhuxusha sida sharci darrada ah looga shiddo goboladda Barriga oo laga dhoofiyo dekadda Boosaaso.

Dhuxushaasi oo laga shiddo goboladda Sanaag, Saraar, Sool, Togdheer, iyo Daad-madheedh, taasoo laga dhoofiyo dekadda Boosaaso, isla markaana ay dhawaan maamulka shantaasi gobol shir kala yeelan doonaan sidii dhibaatadaasi wax looga qaban lahaa.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi,  “Dhuxusha dalka ka baxaysa, ee goboladda shanta ah ee Sanaag, Saraar, Sool, Togdheer, iyo Daad-madheedh, laga shido  ee dekadda Boosaaso laga dhoofiyo, iyadana loo dul qaadan mayo.

Shantaa gobol masuuliyiintoodda, bishan aan ku jirno 26-keedda, waxaa la isugu keeni doonaa shir, oo la isugu iman doonaa gobolka Togdheer.

Si aynu wada jir u wada shaqayno, oo wada shaqaynteenu u adkaato.   Dhuxusha shantaasi gobolka laga qaado, ee Boosaaso laga dhoofiyo, taana loo adkaysan mayo, shir ayaana laga yeelanayaa”.

Leave a Reply