Dhibaato Kasta Waad Maareyn Kartaa!

0
414

Saaxiibkii ayuu u  sheegay inay dhibaato haysto oo uu ka cabanayo, waxaana uu ku yidhi “ Saaxiib gabadh kasta oo aan is idhaado guursaba hooyaday ayaa diidaysa maxaan yeelaa ?”

Saaxiibkii ayaa ku yidhi laba midkood inaad yeesho weeyi “ Waa inaad hooyada ka codsato inay ku soo doorto gabadh iyadu oo aad sidaa ku guursata iyo inaad soo hesho gabadh hooyadaa u eeg dhinaca muuqaalka iyo dabeecaddaba”.

Labadaasi midkooda ayaad xalka dhibaatada ku dhamayn kartaa. Waxaana uu doortay taasi danbe, aadamiga ayaa jecel inuu isagu go’aanka yeesho. Markii uu soo helay gabadh hooyadii la mid ah, ee uu u keenay. Hooyadii si dhiba yar ayay u ogolaatay waana ay ku raacay.

Saaxiibkii ayuu u sheegay oo yidhi “ saaxiib waxaan soo helay gabadh hooyaday  u eeg, waana ay iga ogolaatay, laakiin imikana waxa soo baxay dhib kale oo aabahay ayaa diidan, maxaan sameeya”.

Saaxiibkii ayaa ku yidhi “ haa, aduunyada ayaa sidaasi ah, dhibaatooyinku ma dhamaadaan laakiin xalkeeda ayaa la raadiyaa”.

 

Leave a Reply