Shay Kasta Rakhiisa Wuu Noqonayaa!

0
349

Allah (swt) wuxuu Quraanka Kariimka ku yidhi: “Miyaaney subaxdu (aroortu) aheyn mid dhaw”. Rasuulka Allah ayaa xadiis ku yidhi : “ Cibaado waxa ugu fadli badan: farajka oo la sugo” Waxa weriyay Tarmadi.

Carabtuna waxay tidhi: “ Xadhigu markuu adkaado, ugu danbaysta wuu go’aa”, oo loola jeedo, arimuhu marka ay adkaadaan waxaad sugtaa waa farajkii Allah (sw) iyo albaab ka furma.

Dhib ka ugu khatar badan ee qof ku dhacaa, wax kale maaha ee waa isagoo male xun naftiisa ka maleysta.

Weedhaha ma Awoodo, ma Karayo, xitaa hadaan sidaa yeelo waan qaldamayaa, waan Fashilmayaa.

Kelmadahaasi waxay  ka khatar badan yihiin dagaal foolka-fool ah oo hub iyo rasaas la isku adeegsado. Isku dey inaad warqad iyo qalin soo qaadato ka dibna aad qorto wax kasta oo aad hore u tidhi ma awoodo, kuna hoos qortid waan awoodaa, naftaadana ku kalsoonow.

Nin xakiim ah ayaa yidhi: “ Arrin kasta wuxu ku bilowdaa yaraan, ka dibna wuu koraa oo weynaado ilaa Masiibada mooyee. Iyadu waxa ay ku bilaabantaa weynaan ka dibna way yaraataa”. Shay kastaana marka uu bato wuu jabaa oo rakhiis noqdaa , edebta mooyee, iyadu way qaaliyowdaa”. Guushuna waa go’aanka saxda ah.

 

Leave a Reply