Hibada Caqligu Waa Mid Kooban Horumarkuna Waa Dadaalka!

0
458

Dadka Hamiga sare leh waa kuwo tiro yar oo kooban kuwaasi ayaana dunida wax ka bedela. Thomas Adison oo ahaa ninkii soo saaray laambada laydhka wuxuu ahaa yaraantiisii wiil yar oo su’aalo badan. Thomas markii lagu daray dugsiga nasiib daro mudo badan kuma sii jirin dugsiga, Wax kasta oo loo soo dhigo waa uu iloobi jiray sidaa daraadeed waxa uu ahaa ardayga ugu hooseeya  fasalka. Macalimiinta ayaa ka quustay waxaana ay ka soo qaadeen inuu yahay qof  yar oo aan maskax ahaan dhamayn  oo maraan ah.

Ardayda iyo macalimiintuba waxa ay u arkayeen saaqid.   Markii muddo sidaa loogu dulqaadanayay maamulka dugsiga ayaa go’aan ku gaadhay in laga eryo dugsiga ka dib markii ay ku eedeeyen inu yahay mid maraan ah oo u baahan dugsiyada dadka qaba xanuunka naafada caqliga. Gurigooda ayuu tegay oo hooyadii gaadhay isagoo ilmaynaya oohinta darted.

Dadaalka ugu badan hooyadii ayaa u gashay oo wax bartay markii ay akhriday warqadii loo soo dhiibay waxa ku qoraa “ Wiilkaagu waa maraan, aan waxbarashada la qabsan Karin, sidaa awgeed waan ka erinay dugsida” . Hooyadii ayaa u sheegtay inay iyadu guriga wax ku bari doonto oo aanu werwerin.

Markii uu toban sano gaadhay aabihii ayaa u keenay Buug cilmiga sayniska ah oo sebenkaasi la dhigan jiray. Waxaana u arkay guul madaama aqoontii saynis ee la gaadhay ku qorayd.

Waxa uu samayn jiray tijaaboyin kala duwan, isagoo lacagtiisa ku iibsan jiray kolba qalabka uu u baahdo.  Qoyskooda oo sabool noqday awgeed wuxu goostay isagoo 12 sano jiray inuu shaqo ka dhigto jaraa’idka oo uu ku iibiyo Tareenka dhexdiisa. Ujeedada ugu weyni ee uu laha waxa ay ahayd inuu si fudud u helo wargeysyo uu ka akhristo hadba waxa cusub ee  soo baxa. Tareenka dhexdiisana waxa uu ka samaystay shaybaadh gaar ah.

Tareenka ayaa maalin si lama filaan ah duqeeyay  meel, waxaana wada daatay agabkii kala duwanaa ee uu ku kaydiyay kimikada uu tijbaada ku sameeyo. Maamulka Tareenka ayaa ka eryay tareenka iyagoo albaatiisana ku amray inuu ka gurto markii ay ka cadhoodeen kimikada aanay ogayn eek u dadaatay tareenka.  Ninkaasi dhibtaasi ku dhacaysaa waa Thoams Adson oo ah ninka curiyay ee ikhtiraacay laambada laydhka meel kasta ka ifaysay dunida maanta. Waxa uu ahaa nin Maraykan ah oo noola 1847- 1931. Waxaana uu yidhi halku dhigga ah : “Hibadu  caqligu waa 1%, laakiin 99% waxa uu qofku ku gaadha dadaalka uu la yimado horumarka”.

 

 

 

Leave a Reply