Maayarka Boorama oo Furay Kal-fadhigii Labaad Ee Golaha Deegaanka

0
911

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Boorama (Dawan): maayarka magaaladda Boorama Maxamed Axmed Warsame, ayaa maanta si rasmi ah u furmay kal-fadhigii labaad ee golaha deegaanka degmadda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Kal-fadhigaasi oo ka furmay xarunta dawladda hoose ee Boorama ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, kaasoo noqonaya kal-fadhigii labaad ee ay yeeshaan golaha deegaanka cusub ee Boorama.

Waxaana furitaanka kal-fadhigaasi ka soo qayb galay xildhibaanadda golaha deegaanka Boorama, shanta agaasime waaxeed ee dawladda hoose ee Boorama.

Sidoo kale waxaa furitaanka kal-fadhigaasi ka soo qayb galay guddiyadda nabadgeliyadda ee afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay degmadda Boorama.

Mudadda saddexda maalmood ah ee socdo fadhigaasi ayaa la qorsheeyay in lagu gorfayn doono qorshaha horumarineed magaaladda Boorama, iyo dar-dar gelinta hawlaha shaqo ee dawladda hoose ee degmadda Boorama.

Sida uu sheegay duqa degmadda Boorama Maxamed Axmed Warsame, oo hadal ka jeediyay furitaanka kal-fadhigaasi maanta ee golaha deegaanka Boorama. Waxaanu yidhi, “Waxaa inoo furmay kal-fadhigeenii afraad.

Wuxuuna inoo socon doonaa muddo saddex maalmood ah, oo ka bilaabmaysa maanta. Saddexdaasi maalmood oo golaha deegaanka degmadda Boorama ajandeyaasha hor yaalla uu kaga tashan doono”.

Maayar Maxamed Axmed Warsame, waxa uu tilmaamay in fadhigaasi lagaga tashan doono qorsheyaasha degmadda hor yaalla, iyadoo ajandeyaashuna sida ay u kala horeeyaan loo kala qaadan doono.

Waxaan bilawga arrintaasi xogta laga dhegaysayay agaasime waaxeedyadda afarta xaafadood ee magaaladda Boorama oo warbixinno siiynayay golaha deegaanka.

Sidoo kalena in wada tashi lala sameeyo bulshadda ku kala nool afarta waaxyood ee xaafadaha magaaladaasi ee fadhigaasi ka soo qayb galay, sida uu sheegay maayarku. “Waxaa inagala soo qayb galay xildhibaanadii golaha deegaanka degmadda Boorama.

Shanti agaasime waaxeed, guddiyadii afarta xaafadood ee magaaladda Boorama” ayuu maayarka Boorama.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaan doonaynaa in aan kaga tashano qorsheyaasha degmadda hor yaalla. Maalintii u horaysay maadaama oo ay tahay, ajandeyaasheenu siday u kala horeeyaan, ayaan u qaadaa-dhigi doonaa.

Waxaan isku deyi doonaa xogta aan ka helno agaasi waaxeedyadda, in ay warbixin golaha siiyaan, wada tashina aan la samayno bulshadda qaybaheedda kala duwan, ee afarta xaafadood ee ka soo qayb galay.

Waxaan ku socon doonaa ajandeyaasheenu siday u kala horeeyaan, waxaana u horaysa in ay agaasimeyaashu warbixintoodda ina siiyaan, bulshaduna ay ka qayb qaadato, oo wixii ay ku darsanayaan sidi loo horumarin lahaa degmadda qorshaheedda.

Intaa wixii ka danbeeya na golaha deegaanka ayaa isku hadhi doona. Muddo saddex maalmood ah ayaana halkan la wada fadhiyi doonaa”.

Gebagebadda kal-fadhigaasi ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan qorshaha ay dawladda hoose ee Boorama ugu tallo gashay in ay bulshadda u soo bandhigaan.

Sida uu sharaxayo maayarka Boorama, “Waxaanan doonaynaa in ay ka soo baxaan arrimihii aan ugu tallo galnay, in aanu bulshadda u soo bandhigno. Anagoo maalinta uu dhamaado soo bandhigi doonaa” ayuu yidhi Maxamed Axmed Warsame.

Dawannews.com/Hargeisa Office.

Leave a Reply