Ruushka oo farta loogu fiiqay inuu xidhiidh toos ah la yeesho Somaliland

0
526

Hargeysa:(Dawan)-Dawladda Ruushka ayaa mar kale si hogga-tusaaleyn ah loogula taliyey inay soo deddejiso Heshiis saaxiibtinimo inay la yeellato Jamhuuriyadda Somaliland oo hadda ka mida kaadiriinta Mandaqada Geeska Afrika ee loogu soo hiranayo bogcadaha istaraatiijiyadeed ee muhiimka ah iyo ahmiyada ay u leeyihiin Caalamka.

Hindisaha farta loogu fiiqay ruushku inuu Somaliland la sameeyo xidhiidh toos ah, ayaa yimi kaddib markii Dawladda Suudaan ay shaki gelisay Suurto-galnimada dhaqan-gelinta heshiis ku saabsanaa saldhig badda ah oo ay sanadkii hore la gashay Ruushka, kaasoo bilihii la soo dhaafay la isla dhexmarayay in laga yaabo in la joojiyo, hogaamiyeyaasha Dawladda ku-meel gaadhka ahina ay ka biyo-diidsan yihiin.

Taliyaha guud ee Ciidamada ahna Madaxda guud ee Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Dalka Suudaan Muhammad Othman al-Hussein, ayaa bishii June waraysi uu siiyey telefishanka Nile Blue ku sheegay in heshiiska dhex maray Dalkiisa iyo Ruushka ay gashay Dawladda xukunka laga tuuray ee Cumar Al bashiir, isla markaana qaar ka mid ah qodobada ku jiraa ay halis waxyeello ku keenayaan dalka Suudaan.

Waxa uu sidoo kale xasuusiyay dhinacyada uu heshiiskani khuseeyo in aanay wali ansixin golayaasha sharci dejinta ee dalkaasi, sidaa darteedna aanay marnaba sharci ahaan qasab aheyn in la dhaqan-geliyo, isagoo geesta kale beeniyey in go’aankiisu ku yimi cadaadis Dawladda Mareykanku saartay,iyadoo kaga bedelanaysa talaabadii lagaga saaray liiska wadamada taageera Kooxaha Argagixisada ah.

Isagoo ka duulaya madmadowga labac-labaclayntu ka muuqato ee soo waajahay Heshiiskan Ruushku la galay Suudaan ee ahmiyadda weyn u lahaa, laakiinse shakigu galay, waxa uu falanqeeyaha Siyaasadda iyo diblomaasiyada ee Andrew Korybko oo ah Suxufi wax ku qora Warsidaha Modern Diplomacy, dawladda Ruushka u iftiimiyey in haddii uu gubto Heshiiska ay la gashay Dalka Suudaan, meesha ugu haboon Istaraatiijiyad ahaan, fursad ahaan iyo Siyaasad ahaanba ee uu ku bedellan karaa tahay Somaliland oo ah Dal dihin, leh goobo muhiim ah iyo siyaasad furfuran.

Halkan ka Daawo Muuqaal:
https://youtu.be/htC8k6UJciQ

Leave a Reply