Maayarka Boorama Oo Ku Dhawaaqay Olole Qashinka Lagaga Nadiifinayo Magaaladda

0
702

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Boorama (Dawan): Maayarka magaaladda Boorama Maxamed Axmed Warsame, ayaa ku dhawaaqay in Sabtida soo socota magaaladaasi laga fulin doono olole nadaafadeed oo qashinka lagu ururinayo.

Waxaanu ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan magaaladaasi in ay dawladda hoose kala qayb qaataan ololahaasi nadaafadeed ee qashinka lagu ururinayo.

Maxamed Axmed Warsame, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay xidhitaanka kal-fadhigii labaad ee golaha deegaanka Boorama.
Kal-fadhigaasi oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa lagu falan qeeyay arrimo la xidhiidha sidii loo dejin lahaa qorshaha ay golaha deegaanka Boorama ku hawl gelayaan sanadadda soo socda.

Waxaanu maayarku halkaa ka akhriyay waxyaabaha ka soo baxay jal-fadhigaasi kuwaasoo ay ka mid tahay diyaarintii xeer hoosaadka golahaasi oo ay soo bileen toban maalmood ah ka hor.

Kaasoo la filayo inuu ku soo dhamaado muddo ilaa laba todobaad ah. Kadibna uu goluhu ansixin doono.

Maxamed Axmed Warsame, waxa kaloo uu sheegay inuu u soo dhamaaday qiimayn ay ku sameeyeen mashaariicda horumarineed ee magaaladda ka socda.

Iyadoo ay sameeyeen xulashadii meelaha ugu muhiimsan ee ay doonayno in ay wax ka qabtaan saddexda bilood ee soo socda.

Kuwaasoo ay ugu horayso in ay dhisayaan Waddada haw-bawlaha ah ee dhex marta magaaladda Boorama.

Geesta kale, maayarka Boorama waxa uu tilmaamay in ay u qorshaysan tahay in ay bilicda magaaladda wax ka qabtaan, isla markaana ay samayn doonaan ololeyaal qashinka lagaga ururinayo magaaladda.

Waxa kaloo uu sheegay maayarku in ay doonayaan in ay dib u shidaan dhamaanba Laydhadhkii bilicda magaaladda soo celin lahaa, iyadoo ay dhirayn doonaan magaaladda.

Dhinaca kale Maxamed Axmed Warsame, waxa uu sheegay in ay u qorshaysan tahay in ay sameeyaan sanduuqa horumarinta magaaladda.
Sanduuqaasi oo gaar u ahaan doona sidii loo horumarin lahaa magaaladda.

Isagoona maayarku ugu baaqay ganacsatadda iyo dadweynahaba in ay ka soo qayb galaan sanduuqaasi horumarinta.

 

Leave a Reply