Dufacaddii Ugu Horreysya oo ka Qalinjebisey Dugsiga Farsamada Gacanta ee Degmada Gebilay

0
424

Hargeysa-(Dawan)- Mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee gobolka Gebilay ayaa ka qayb galay munaasibadda qalin’jabinta dufacaddii ugu horreysay ee ka baxada dugsiga farasamda gacanta ee degmadaasi.

Agaasimaha waaxda fidinta gobollada ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Cabdicasiis Cige Rayaale, badhosaab ku xigeenka gobolka Gebilay Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) iyo maayarka degmada Gebilay Maxamed Aamiin Cumar ayaa ka qayb’galay xafladda qalin jabinta 75 arday oo ka baxay dugsiga farsamada gacanta ee degmada Geiblay.

Sida uu kusoo waramay weriyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ee degmada Gebilay Cismaan Cabdi Bade Xamare Ardaydan ayaa bartay xirfadaha laydhka, dawaarka, biyo’gelinta iyo laxaamadda. Dugsigan farsamada gacanta ayaa waxa sannadkii hore maalgelisay dawladda hoose ee degmada Gebilay, waxaana gacanta ku haysa hay’adda Save The Children.

Maayarka degmada Gebilay oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay iyagu fuliyeen dhismaha dugsiga farsamda gacanta ee degmada gebilay, waxaana uu bartaas kaga dhawaaqay in saddex ka mid ah ardayda maanta qalin jabinaysa uu shaqaalaysiin doono. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gebilay ayaa u mahad celiyay cidkastoo ka qayb qaadatay hawsha dugsiga farsamada gacanta ee degmada Gebilay, oo maanta ay ka qalinjabinayaan 75 arday oo isugu jira hablo iyo wiilal.

Leave a Reply