Sebenkii Cadaaladda Iyo Horumarka.

0
628

Cumar Binu Cabdi Casiis (AHN) waxa lagu tilmaama hogaankii 5aad ee islaamka, waxaana uu talada mulmiinta hayay mudo 30 bilood ah.

Markii la doortay, minbarka ayuu koray waxaana uu yidhi: “Aniga Iga Daaya, hogaanka qof kale u doorta”, laakiin dadkii oo dhan ayaa yidhi adiga ayaan ku dooranay Cumar.

Cumar Binu Cabdi Casiis Cadaalada iyo dawlad wanaagga ayuu tusaale u yahay, waxa la sheegay in  xilligiisii xataa Waraabaha iyo Adhiga ay isku meel wada daaqi jireen oo aanu cuni jirin.

Waxa uu bilowgii muddo xileedkiisa joojiyay kharasha fara badan oo lagu bixin jiray xaflado iyo bogaadin. Iyo weliba fardo iyo baqalo badan oo khaliifka iyo  shaqaalihiisa  gaarka ah adeegsan jireen kharashkoodii.

Waxa kale oo uu joojiyay kharashka ku baxayay dharka cusub ee loo soo iibanayo marka khaliifka cusub la doorto iyo dadka la sheqeeya, iyo weliba qalabka , daahyada, cadarada cusub iyo raashinka, waxaana uu sheegay in aanay banaanayn. Waxa kale oo u amar ku bixiyay in wixii hore u yaallay oo noocaasi la iibiyo oo lacagtoodana lagu soo celiyo Baytal maalka muslimiinta.

 

Inta aanu qaban hogaanka guud ee muslimiinta Khaliif Cumar Binu C/Casiis (rc) lacagta uga soo hoyan jirtay hantida uu gaarka u lahaa sanadkii waxa ay ahayd 50,000 dirhm.  Markii uu hogaanka muslimiinta qabtay lacagta sanadkii soo gasha waxay ahayd 200 dirhm. Iyadoo Xukuumaddii uu hogaanka u ahaa ay ka talinaysay dalka Faransiiska illaa Shiinaha inta u dhaxaysa.

Ibn Kathiir  sida uu ku sheegay kitaabkiisa,   dakhliga  sanadkii laga soo uruuriyo Persia (Iiraan) oo kaliya waxay dhamayd 124 million oo dirham.

Boqorkii wakhtigaasi ka talinayay Rome markii uu maqlay dhimashadii Cumar Binu Cabdi Casiis waxa uu yidhi; “ Lama yaabayo nin isku xidhay Kaniisad oo yidhi waxaan iskaga tegay aduunyo oo nacay, laakiin waxaan la yaabay Cumar oo hareerihiisa taalo aduunyo oo dhami oo haddana iska nacay”.  Amiirka taariikhdaasi leh wax kasta oo uu ka hamiyayna waa uu gaadhay.

Leave a Reply