Hargeysa: Ciidanka Oo Samatabixiyay Nin Maskaxda Ka Xanuusan oo isku Gubay Badhtamaha Dooxa Weyn

0
838

Hargeysa:(Dawan)-Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta galinkii dambe soo samatabixiyay nin maskaxda ka xanuusan oo isku gubay badhtamaha Dooxa weyn ee Hargeysa gaar ahaan cisbitaalka Gargaar gadaashiisa.

Ciidanka oo ay horkacayaan waaxda caafimaadku ayaa goobtaas degdeg u gaadhay waxaanay la kulmeen ninkaas oo qaybo ka mida Jidhkiisa ah Dabku gaadhay, waxaana isla markiiba ciidamadu gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa halkaas oo lagu dabiibayo.

Ninkan ayaa da’diisu tahay 37 jir laguna magacaabaa Cawaale Cali Hayaan, sida eheladiisu ciidanka u sheegeena dhawaan laga soo daayay Cilaaj, waxaana dhaawacyo ka soo gaadheen Garbaha,laabta, bogga iyo caloosha.

Ciidanka Dab-demisku waxay bulshada ku wacyigelinayaan in dadka maskaxda ka jirran aan kaligood la sii dayn had iyo jeerna laga warhayo.

 

 

 

 

Leave a Reply