Golaha Wakiiladda oo Cod Aqlabiyad Ku Ansixiyey Ajendaha Kalfadhiga Koowaad

0
514

Hargeysa-(Dawan) Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shalay ku ansixiyey ajandaha kalfadhigooda koowaad codad gaadhaya 60-dan, halka lix mudane diideen, midna ka aamusay.

Fadhigii shalay oo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed gudoominayey ayey xildhibaanadu cod gacan-taag ah ku ogolaadeen ajendaha  kaldhafiga koowaad ee golahu ku shaqeyn doono.

Gudoomiye Md Cabdirisaaq oo hadal ka jeediyey fadhigii shalay ayaa sheegay in xildhibaanadu codad gaadhaya lixdan ku ansixiyeen ajendaha kalfadhiga koowaad, waxaanu yidhi,

“Waxay u codeeyeen lixdan Xildhibaan in la ansixiyo ajendaha kalfadhiga koowaad, lix xubnood way diiday, hal xildhibaan wuu ka aamusay, Gudoomiyahu ma codeyn, sidaa ayuu ku ansaxay ajendaha kalfadhiga koowaad.”

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md Cabdirisaaq ayaa kula dardaarmay xildhibaanada inay laba maalmood soo akhriyaan ajendaha, waxaanu yidhi,

“Waxa jira xeerar kale oo la innaga sugayo dib-u-eegistooda, waxay u xaniban yihiin xeer-hoosaadka,  maalinta Sabtida loo kala tegi mayo, iyadoo waxii aad ku daraysaan xeer-hoosaadka aad soo jeedin doontaan, si aynu hawsha xeer-hoosaadka u dhamaystirno.”

Golaha cusub ee Wakiiladda oo muddo ku jiray diyaargarow hawlaha horyaala ayaa la saadaalinayaa inay maalinta Sabtida ee usbuuca soo socda si rasmi ah gudashada waajibaadkooda ku guda galaan.

 

Leave a Reply