Masuuliyaddu waa ammaano, waxaanay diinteenu ina baraysaa in qof kastaa uu masuul yahay, hase ahaatee ay ku kala duwan yihiin xilka saaran. Masuuliyadda waxa u saldhig ah oo ay ka unkantaa aabbaha qoyska, waxaana u sarreeya Madaxweynaha.
Ammaanadu waxay u baahan tahay ku dhaqan Caddaalad, Sinnaan iyo wadatashi. Waxa la isweydiiyaa in dadka aan tudhaale u lahayn qoysaskoodu inay noqon karaan kuwo u tudhaya shacbiga intiisa kale.
Qof kasta oo miyir qaba, hadaf kasta iyo ujeeddooyin kala duwan inkasta oo uu leeyahay, waxa uu og yahay in shacbigu yahay hantida ma guuraanka ah ee dal leeyahay.
Hantidaa oo u saldhig ah midnimada, deganaanshaha iyo horumarka dalku u baahan yahay. Dadka xilalka qabtaana waxay shacbiga kale kaga duwan yihiin wakhtiga xilalka loo dhiibtay ee ay hayaan oo xaddidan. Heer kastaba masuuliyadda qofku hayaa ammaano if iyo aakhiraba lagula xisaabtami doono.
Ammaanada oo sida diintu ina farayso loo fuliyo faa’iidada, waxtarka iyo sumcadda ay leedahay- waxa tusaale ahaan inoogu filan doorashadii isku sidkanayd ee shacbi, xukuumad iyo mucaarid fahamka, wada-tashiga iyo wada-shaqeynta lagu qabtay. Natiijadooduna waxay noqotay sumcad caalamiya oo Jamhuuriyadda Somaliland yeelatay iyo lahaanshaha dareen waxqabasho oo midaysan oo lagu xaqiijin karo rabitaanka shacbiga iyo aayaha dambe ee dalkaba.
Ammaanada oo sida ay tahay aan loo fulinin dhibaatada, silica, rafaadka iyo deganaansho la’aanta ka dhalata waxay leedahay waxa tusaale ahaan nooga filan xaaladda maanta ka jirta dalalka aan dariska nahay sida Soomaaliya oo kale oo lagu cibro qaato.
Maanta shacbi, xukuumad iyo mucaarid oo doorashadii u tahay tilmaan waxqabad, waxa sugaya waajibaad loo baahan yahay in aan loo kala hadhin oo loo baahan yahay in si degdeg ah wax looga qabto.
Dad aan tudhaale u ahayn qoysaskooda, qarankana waxyeelo mooyee aan waxtar laga filayn ayaa ku hawlan sumaynta da’yarta dalka. Waxay u adeegsanayaan maandooriye heerka garaadkooda waxbarasho iyo waxqabashaba wax u dhimaya.
Waxa loo baahan yahay in Xukuumaddu kordhiso dedaalkeeda ay kula dagaalamayso xashiishada. Ciidanka Booliska oo hawlo waxtar badan leh qabtayna ay sii dardar geliso isla mar ahaantaana ay ku abaalmariso.
Mucaaridka waxa laga sugayaa inay diirradda ay saaraan siyaasadda mid ka badan oo ka baaxad weyn ay u yeeshaan la-dagaalanka Maandooriyaha Xashiishada, si ay u badbaadiyaan gaar ahaan taageereyaashooda, guud ahaana shacbiga iyo qoysaskooda.
Dawladaha Hoose oo ku ammaanan tallaabooyinka ay qaadeen ee ku waajahan nadaafada, saldhigna u ah caafimaadka dadka degaannadooda ku nool; waxa looga baahan yahay inay mudnaan siiyaan la-dagaalanka Xashiishada iyo ma-naxeyaasha ka ganacsada.
Ururrada bulshada, kuwa samofalka iyo Hay’adaha Xuquuqda u dooda inay ka qaybgalaan wacyigelinta shacbiga ee lagu baraarujinayo waxyeelada Xashiishadu u leedahay qofka, qoyska, bulshada iyo hawlahooda.
Qoysaska waxaan xasuusinayaa ma-tudheyaashani in aanay damaanad u hayn, danaysi mooyaane, badbaadada ubadka ay dhaleen, ooryaha ay qabaan iyo inta la noolba. Sidaas daraadeed maadaama oo hooyooyinku yihiin kuwa dhibaatada ugu weyni soo gaadhi karto, inay waxyaabaha ay ku tuhmaan inay lug ku leeyihiin xashiishada, khamriga iyo wixii edeb-darro ah ay kala xidhiidhaan ciidammada Bilayska iyo maamulka dawladaha Hoose.
Aan iska qabano ma-naxeyaasha ma tudheyaasha ah inta aanay qaranka dhaawac u geysan.
Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland