Wasaaradda Horumarinta Biyaha oo Ceerigaabo Ka Daah-Furtay Mashruuc Biyo Ballaadhin Ah.

0
802

Ceerigaabo-(Dawan)-Wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland ayaa magaalada Ceerigaabo ka daah-furtay mashruuc lagu balaadhinaayo biyaha degmadaas.

 

Isuduwaha wasaaradda horuamrinta biyaha Somaliland ee gobolka Sannaag Muxuyadiin Siciid Ducaale oo ka hadlay daah-furka biyo ballaadhintaas ayaa sheegay in mashruucaasi yahay mid magaalada Ceerigaabo baahi wayn u qabtay

 

Maamulaha mac-hadka culuumta biyaha Somaliland Mustafe Ciise Xuseen (Xabbo) ayaa sheegay in barnaamijkaasi ku yimi korodhka bulshada iyo baahiyada ay u qabto mashruucaas biyo ballaadhinta, sidaa awgeed wasaaraddu go’aansatay in ay talaabadaas qaado.

 

Maayarka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo halkaas ka hadlay ayaa xukuumadda uga mahadceliyay mashruucaas, waxaanuu sheegay in golaha degaanka ee degmada Ceerigaabo xukuumadda kala shaqayn doonaan sidii mashrucaasi u guulaysan lahaa.

 

Ugu dambayn agaasimaha waaxda farsamda ceelasha wasaaradda biyaha Somaliland ahna ku simaha agaasimaha guud ee wasaaaradda Maxamed Maxamuud Mooge ayaa sheegay in talaabadani ka mid tahay qorshaha wasaaradda biyaha ee ku saabsan horumarinta biyaha dalka, waxaanuu intaas ku daray in xukuumaddu mashruucaas ku fulin doonto sida ugu dhaqsaha badan, waxaanay masuuliyiintaasi soo kormeereen ceel riig qodaayo oo laga hirgeliyaanyo degaanka Karin, riiga Laanqaciye oo wasaaraddaasi dib u habayn iyo dayactir ku hayso iyo mashaariic kale oo dhanka biyaha ah ee ka socda gobolka Sannaag.

 

Leave a Reply