Arin aad uga yaabiyay dad badan ayaa ka dhacay dalka Shiinaha. Nin ka mid ah ganacsatada tijaarta ah ee dalkaasi ayaa booqasho ku tegay guri dabaq ah oo ay ku nool yihiin dadka saboolka ah ee Shiinaha.
Waxaana uu halkaasi kula kulmay islaan da’ ah oo ka mid ahayd dadka degan dhismahan.
Ganacsadahan maalqabeenka ah ayaa islaanta siiyay lacag dhan malyuun lacagta dalkaasi ah oo u dhiganta 160 kun oo doller. Markii la weydiiyay sababta uu u siiyay lacagta xadigan leegna islaantan saboolka ah , wuxu sheegay inay gabadhani tahay qofkii ka danbayey sirta guushiisa.
Ninkan ayaa intaasi ku daray in markii ay da’diisu ahayd 17 sano oo wakhtigan laga
joogo 20 sano, uu ka mid ahaa caruurta seexda derbiyada suuqa, ay gabadhan oo lahayd dukaan lagu iibiyo baastada ay halkaasi ka kaxasay. Isla markaana ay siisay raashin, hoy waxayna ila raadisay shaqo ayuu yidhi. Waxa kale oo ay siin jirtay ayuu yidhi lacagta aan ku raaco Tareenka.
Waxaana uu sheegay in aanu ilaabi karin sidii naxariista lahayd ee ay uga qayb qaadatay
guushan maanta uu haysto. Waxa maalqabeenkani celiyay abaalkii ay ku lahayd iyadoo ay aad u yar tahay dadka abaalka guda.