GUUSHU WAA INAAD TAQAAN WAXA AAD QABANAYSO!

0
614
  • Guushu sugid kuma timaado doonid ayay ku timaadaa. Waligaa ha sugine ee u dhaqaaq dhinaceeda. Mar kasta oo caqabadaha ka hor imanayaa kordhaan waa markasta oo waayo araganimadaada iyo awoodaadu  ay xoogaysanayso. Furaha guuldaraduna waa adigoo isku daya inaad qof kasta raali geliso.
  • Markaad faraxsanatahay ha balan qaadin, markaad cadhaysan tahay ha jawaabin, markaad murugaysan tahay go’aan ha qaadan.
  • Deegaanka aad ku  nooshahay hakaga tegin dhibaato taal, isku day inaad xalisho, waayo halka aad tagaysana dhibaato kale ayaad ugu tegaysaa laga yaaba tii aad ka timi inay kaga dhib badnaato.
  • Naftaada u sheeg inaad wax qabsan karayso, laakiin waa inaad taqaan waxaad qabsanayso, hadafka aad leedahay dariiqa ugu dhow iyo wakhti cayiman inaad u samayso.

Leave a Reply