Akhlaaqda Ubadku Waa Tan Waalidka!

0
552

Qofka Aadamiga ah miyu dhashaa isagoo habaar qabe ah oo jecel inuu sameeyo xumaan oo dhan, mise qoyskiisa iyo duruufo gaar ah aya ku qasba in uu sidaasi sameeeyo oo uu noqdo mid u nool sida xayawaanka oo aan waxba ka mamnuuc ahayn xakamana aan lahayn.

Qof kastaa wuxu ku dhashaa fidrada wanaagsan laakiin waalidka weeyi kan diinta uu haysto iyo dhaqanka uu aaminsan yahay ku barbaariyaa ee ka dhigaya Yuhuudi ama Kiristaan.

Sanakii 1971 ayuu Philip Zimbardo oo Maraykan ah, aqoon balaaldhana u leh cilmiga Psychology  kana tirsanaa Jaamacadda Stanford uu tijaabo cilmi ah ka sameeyay  dadka maxaabiista ah iyo kuwa ilaaliya ee askarta ah ee sida xun ama wanaagsan ula dhaqma maxaabiista. Waxaan uu ogaaday inay maxaabiista iyo askartuba dhaqan ahaan kala duwan yihiin oo kuwa ugu wanaagsan iyo kuwo ugu xunba ay ahaayeen dhaqamada waaldikood 95%.

Waxaana uu yidhi “Markii aan qofka aad xun baadhis ku samayno waxaan ogaanay in waalidkiisuna xun yahay, kan ixtiraamka leh ee dulqaadka leh ee aan daroogada isticmaalin 99% waxa ay lahaayeen dhaqmo guryahooda ah ay kala yimaadeen.  Waxase na yaab gelisay in qofka xun ee haddana qoys wanaagsan ka soo jeeda uu ahaa mid qirsan inuu dhaqan xun samaynayo, halkan kan ku barbaaray xumaanta aanu u arkayn sidaasi.

Waxaaa cad in guriga iyo waalidku saamayn ku leeyahay Ubadka. Sidaas awgeed waa in caruurta dhaqan wanaagsan oo naxariis leh lagu barbaariya.

Leave a Reply