Ceel Biyood Cusub oo Laga Dhagax Dhigay Gumeys

0
973

Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Somaliland ayaa deegaanka Gumeys ee gobolka Sool ka dhagax dhigay ceel biyood cusub oo ay dadka deegaankaasi ka cabi doonaan.

Ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha ahna agaasimaha waaxda farsamada iyo ceelasha ee wasaaradda biyaha oo muddooyinkii ugu dambeeyay socdaal shaqo ku joogay gobollada bariga Somaliland ayaa gaadhay deegaanka Gumeys ee gobolka Sool, isagoo halkaas ku dhagax dhigay ceel biyood cusub oo ay ka cabi doonaan dadka ku nool deegaankaasi.

Isu duwaha wasaaradda horumarinta biyaha ee gobolka Sool Axmed Maxamuud Xirsi oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ka fuliyeen gobolka mashaariic badan isla markaana uu kan yahay mid biyo lagu siinaayo bulshada ku dhaqan deegaankaasi.

Qaar ka mid ah injineerrada ka shaqaynaya ceel biyoodkaasi oo halkaas ka hadlay ayaa iyana sheegay in magaalada loo samayn doono taangi weyn oo biyaha lagu keydiyo, iyada oo biyaha loo sii qaybin doono qaybaha magaalada.

Ugu dambayn, agaasimaha waaxda farsamada ceelasha ahna ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha Injineer Maxamed Mooge ayaa sheegay in deegaanka Gumeys ay u yimaaddeen sidii ay uga hirgeli lahaayeen ceel biyood isla markaana ay hore wasaaraddu uga hirgelisay ceelal, isagoo intaas ku daray in biyaha ceelkaas la gelin doono magaalada.

Leave a Reply