Xukuumadda Somaliland oo Baadhis ku bilowday Jaamacaddaha Barwaaqo iyo Abaarso

0
673
Hargeysa-(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa baadhis ka bilowday Xarumaha Jaamacadaha Barwaaqo iyo Abaarso oo ay jiraan tuhuno muujinayaa falal lidi ku ah Diinta iyo Islaamka.
Wasaaradda Diinta iyo kaashanaysa wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in baadhis ku wado jamaacadahaasi madaama ay bulshadu ka biyo diiday .
qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda waxbarashada ayaa u dhignaa sidan,
“Sida aad la wada socotaan, waxaa maalmahan soo baxaya tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , iyada oo la sheegayo in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka.
Haddaba, Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani”

Leave a Reply