Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo Fariin u diray Bulshada

0
792

Hargeysa-(Dawan)-Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ka mid culimada waaweyn ee dalka ayaa bulshada ugu baaqay in ay hantidooda geliyaan dhismaha wadooyinka oo ay ajar weyn ka helayaan.

Sheekh Musfate oo ka hadlay kulanka Culimada Ansaaru Sunna ee ka socda magaalada Hargeysa ayaa yidhi “In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaarkood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ee lugaynayaana aanu ku dhibtoon”

 

dhulka Somaliland ayaa waxa ku batay dhismayaasha maasajidada oo kaabiga isku hay xilli aanay jirin waddo wanaagsan oo bulshadu ay adeegsataa

Leave a Reply