Dawladda Hoose Ee Boorama oo Fulisay Hawl gal Lagu Banaynayo Waddooyin Xidhay

0
418

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Boorama (Dawan): Dawladda hoose ee degmadda Boorama ayaa shalay xaafado ka mid ah magaaladaasi ka fulisay hawl gallo lagu banaynayay Waddooyin xidhmay oo ay dad si sharci darro ah u degeen iyo kuwo dhir ay xidhay.

Waxaana hawl galkaasi wada jir u fuliyay dawladda hoose ee Boorama oo uu hor kacayay maayarka Boorama Maxamed Axmed Warsame, oo ay wehelinayeen masuuliyiinta wasaaradda hawlaha guud ee gobolka Awdal.

Hawl galkaasi Waddo banaynta ah oo laga fuliyay xaafadda Qoor-gaabta ee barriga magaaladda Boorama ayaa waxaa lagu jaray geedo aad u badan oo xidhay halkii loo qorsheeyay in ay maraan wadooyinka xaafadaasi.

Maayarka Boorama Maxamed Axmed Warsame, oo hawl galkaasi hogaaminayay ayaa ka warbixiyay sababta ay hawl galkaasi u fuliyeen, waxaanu yidhi “Waxaan joognaa xaafadda Qoor-gaab, oo aan ka fulinayno hawl gal aanu ku banaynayno Waddooyin xidhmay.

Dhibaatadda jirtaa waxay tahay, naqshadii beerta loo sameeyay in la raaco ayay ahayd. Laakiin, waxaa jirta in aan la raacin nashqadii, taasina waxay keentay in ay dadku dhibaato ka dareemaan in jagooyinkii, sidii ay isugu xigeen, si aan ahayn ay isugu xigaan.

Markaa waxan go’aan sanay, si dadkaasi loo qanciyo in la raaco naqshadii saxda ahayd. cid kastoo aan naqshadaasi waafaqsanayna, haddii ay Waddo noqoto in la baabiinayo. Wixii intaa ka baxsanina ay yihiin dhulka buurta ah, taasoo ay dawladu u aqoonsan tahay in ay dan guud tahay”.

Geesta kale maayarka Boorama waxa uu dadweynaha magaaladaasi ugu baaqay in aanay iibsanin dhulka aan naqshadda magaaladda u dejisan aan waafajisnayn, isla markaana uu muranku ka jiro.

“Waxaan dadweynaha ugu baaqaynaa, in dhulka aad iibsanaysaan ay naqshadda waafaqsanaato. Haddii aanay naqshadda waafaqsanayn, wixii kharash kaa galayna adiga ayuun buu kaa baaba’ayaa” ayuu yidhi maayarka magaaladda Boorama.”

Leave a Reply