Masuuliyiin Xukuumadda Somaliland ka Socda oo Kormeeray Mashaariicaha Gobolka Sanaag

0
371

Ceerigaabo (Dawan) Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa kor meer xog ogaal u noqosha ah ku soo maray, mashaariicaha horumarineed ee dhismayaashoodu ka socdaan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Mashaariicaha dhismayaashoodu hadda dhammaadka yihiin ee masuuliyiintu indhahooda ku soo arkeen waxaa ka mida, aqalka madaxtooyada, guriga martida, garoonka kubada cagta iyo garoonka diyaaradaha oo isagana dhawaan la bilaabi doono dhismihiisa, balse la sugay xayndaabkiisa iyo ammaankiisaba.

Masuuliyiinta mashaariicahan soo kormeeray waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha Gobolka Sanaag Eng. Axmed Cismaan Xasan, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Cabdinaasir Caydiid Maxamed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta mudane Jamaal Cabdi Muuse iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Eng. Axmed Cismaan Xasan, ayaa ugu horrayn madashaasi ka hadlay waxaanu yidhi. “Waxaa ay kormeerayeen dhismayaasha dawladdu ka wado gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo, gurigii martida, madaxtooyadii, garoonkii diyaaraduhu ay ka haadayeen iyo waliba goobo kale oo muhiima”

Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta mudane Jamaal Cabdi Muuse, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada socdaalku salka ku hayo waxaanu yidhi. “Sharaf weyn ayay noo tahay in maanta aanu ku suganahay garoonka diyaaradaha ee loo bineynayo degmada Ceerigaabo, ujeedada socdaalkayagu waxa uu salka ku haya in aanu kormeero mashaaricaha horumarineed ee xukuumadda Somaliland ka hirgelisay gobolka Sanaag iyo degaanada hoos yimaada, goobaha aanu idha dheynaynay waxaa ka mida Jaamacada Sanaag, garoonka diyaaradaha, garoonka kubada Cagta, aqalka martida iyo meelo kale”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Cabdinaasir Caydiid Maxamed ayaa sheegay in wax badan laga qabtay garoonka diyaaradaha ee degmadda Ceerigaabo. “Garoonkan waa markii labaad ee aan imid muddo laba sanno gudahooda maalintii hore ee aan imid sidan muu hayn waxaanu ahaa dhul bannaan maanta se waxaa uu u eeg yahay garoon”

Leave a Reply