Somaliland Dunida Maxay Kaga Duwanayd Bishii August?

0
513

W/Q. Xuseen Cali Nuur

Goobaha magaalada Hargeysa ee bunka lagu cabo mid ka mid ah ayaan toddobaadkan kula kulmay, oday u dhashay qowmiyadaha degan Itoobiya, oo muddo 15 sannadood ah aanaan is arag. Salaan, sheeko iyo laba koob oo bun ah ka bacdi, wuxuu igu yidhi “ma iga rumaysanaysaa intaan Somaliland ka maqnaa, oo haatan dhawr iyo toban sanno ah, inaan had iyo jeer ku fikiri jiray dadkaan Somaliland isku baranay.”

Wuxuu intaas ii raaciyey muddadaasi, “markaan beertayda dhex joogo, waxaan ka fikiri jiray siyaabaha aad uga gudubtaan, ama xal ugu heshaan duruufaha qalafsan idinla soo dersa, iyadoo aanaydun cidna la kaashan.”

Anigoo aan u jawaabin ayuu odaygaasi isagoo qoslaya ii raaciyey “Ma rumaysan kartaa in aan magaalada Hargeysa, oo aan wada yaqiin, in aan dhawr jeer ku lumay meelaha aan si wanaagsan u yaqiin?”

Su’aashaasi waxay i xasuusisay dhacdooyin dhawr ah oo Bishii Ogost dalka ka dhacay. Arrimahaas oo dhammaan ahaa kuwo lagu farxo, yiddidiilana ku abuuraya shacbiga.

Bishii Ogost waxay Xukuumaddu Boqolkiiba Labaatan u kordhisay Ciidammada dalka oo dhan mushaharka ay qaataan. Waa arrin dhici jirtay horena noo loo soo maray. Hase ahaatee waxa ahmiyadda gaarka ah siinaya bisha ay dhacday.

Korodhsiimadan mushahar waxa lagu dhawaaqay xili shaqaalaha dalka Afganistaan ay ka cabanayaan muddo lix bilood ah in aanay wax mushahar ah qaadan. Maantana weli aanay helin, loona ogol yahay qofka hadduu nasiib leeyahay inuu laba Boqol oo doolar oo kaliya baanka kala bixi karo.

Dalalka horumaray qaar ka mid ahina bishii Ogost waxay ku jireen duruufo dhaqaale oo adag oo ku kalifay dib u furista meheradaha iyo goobihii ganacsiga ee dakhligu ka soo galayeen, ee loo xidhay sababo la xidhiidha cudurka Coronavirus. Dalal dhawr ah oo Geeska Afrika ku yaallana waxa muuqata in sicir barar qaar hayo, kuwo kalena noloshoodii ay cidhiidhi ku jirto, farahana qaar ka qaadeen doorashadii riyada ahayd ee ay ku taamayeen.

Bishii Ogost ee dhammaatay waxa Golaha Wakiillada ee cusubi oo aqlabiyadiisa mucaaridku leeyahay, waxay muujiyeen wadashaqeyn buuxda oo aan muxaafid iyo mucaarid lahayn. Arrintaasina waa mid naadir ku ah dalalka horumaray marka aqlabiyada Baarlamaanka mucaaridku noqdo sida- Congresska Maraykanka.

Su’aashii odaygii waxay i xasuusisay socdaalka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku tagay magaalada London ereyadii uu ku jiray khudbadii soo dhaweynta ee Jaaliyadda Somaliland ugu qabatay magaalada London.

Guddoomiye Faysal waxa khudbadiisii ka mid ahaa in 85% kharashka doorashadii dalku lahaa, dhammaan gobollada ay ka dhacday cid ka maqnaydna aanay jirin, loona midaysnaa wuxuuna intaas ku daray in uu u sido midnimadii uu dalka kaga yimid inay ku dhaqmaan dhammaan qurbajooga Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Faysal waxa uu xusuusiyey Jaaliyada in cadowga Somaliland ee hadba hab cusub isku dayaya inuu ku soo weeraro inuu haatana mid diineed isku dayey. Qurbajoogana laga filayo inay qarannimada Somaliland difaacaan,isla markaana albaab kasta u garaacaan si qaddiyadeenna loo gaadho.

Xaaladda dunidu waxay Bishii Ogost ahayd mid duufaanno, dabaylo iyo daadad hafiyeen; dab iyo abaaro ku bateen, dagaalo iyo Khalkhal siyaasadeed iyo noocyada kala duwan Covid 19 dhibaato ku hayaan.

Waxaan leeyahay shacbiga Somaliland iyo degaankeenuba aafooyinkaas Ilaahay wuu ka nabadgeliyey. Waxaan ku jirnaa nimco ay dunida, dalalka iyo shacbiga haystaa ay aad u yar yihiin. Waxa nagu waajib ah mahadnaq Ilaaha naga badbaadiyey dhibaatooyinkaas. Waxa nala gudboon xakamaynta nafta iyo ka fogaanshaha wax kasta oo nuqsaan ku keeni kara dhaqankeena diineed, midnimada, nabadda iyo xasiloonida.

Taloow odaygiina ma ku darnaa i xasuusiyey waxay Somaliland kaga duwan tahay dunida inteeda kale.

 

Leave a Reply