“Dadka Xannuunka Dhimirka Qaba oo Dayacan Waxa loo Baahanyahay in Aynu Masuuliyad Iska Saarno”

0
558

 

 

Hargeysa (Dawan)- Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa ka hadlay baahida loo qabo qaran ahaan iyo bulsho ahaan ba in la daryeelo dadka qaba xanuunka Dhimirka, gaar ahaan Haweenka Xanuunkaasi dhimirka qabta, oo uu sheegay in ay dayacmaysaan haddii la daryeeli-waayo.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex Jaamac Xaaji Axmed waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad lagu daahfurayey ururka Maamo Janno Foundation oo kaa shaqeyn doona daryeelka dadka dhimirka waxa ka qaba, urukaasi oo lagu daahfuray magaalada Hargeysa.

Jaamac Xaaji Axmed oo munaasibadaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Daah-furkan aynu maanta daah-furayno ururkan la doonayo in lagu ururiyo dadka dhimirka xanuunsanaya, runtii waa baahi jirta oo loo baahan yahay in aynu dhammaanteen aynu taageerno. Gaar ahaan dumarka oo ah kuwa bulshada ugu nugul oo meelo badan ku dayacan oo loo baahan yahay in aynu masuuliyad gaar ah iska saarno sidii aanay u dayacmeen, gaar ahaan raggu masuuliyad iska saaro.”

Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex Jaamac Xaaji Axmed waxa uu sheegay in ay jiraan goobo lagu daryeelo dadka qaba xanuunka dhimirka oo ay xukuumaddu dhaqaale ku taageerto oo miisaaniyada loogu daray kharay kharashaad, waxaanu yidhi “Goobaha lagu daryeelo dadka xanuunka dhimirka qaba qaar ayay xukuumaddu taageertaa oo miisaaniyadda qaranka kharash loogu daray, laakiin waxaa loo baahan yahay cidda ka shaqaynaysa hawlaha noocaas ahi in ay noqdaan dad masuuliyad gaar ahi saaran tahay oo arrimaha noocaas ah waxaa geli kara qof Illaahay ajar iyo xasanaad kaga doonaya kaliya.

Bulshada dadka ugu nuguli waa Haweenka iyo carruurta, ninku hadduu xanuunsado iyadoo Illaahay qadarkiisa lagu samrayo haddana ninku wuu adkaysan karaa, balse haweenku aad bay u dayacmayaan marka aanay helin cid masuuliyadeeda qaada.”

Badhasaabku waxa uu u mahad naqay asaasaha ururkan waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu mahad naqayaa haweenaydan asaastay ururkan oo dadkii aqoonta u lahaa iyo culimadiiba ay sheegeen in ay tahay qof wanaagsan oo muddo ka shaqaynaysay samafalka iyo wanaaga, iminkana buuxisay kaalin weyn oo aad loogu baahnaa.

Waxaa jira dad badan oo dayacan oo aanay jirin cid hawshooda hanata oo gacanta ku qabata hawshooda, runtii in  aynu is garab taagnaana waa masuuliyad ina saaran dhammaanteen. ”

Ururka Maamo Janno Foundation, ayaa sheegay in dhisayaan qaybtii ugu horreysay ee lagu daryeelayo dumarka, taas  oo ka kooban  dhismayaal casriyaa oo ururka Maama Foundation ka hirgalinayaa gobalka Saaxil, iyada oo wajiga labaadna la dhisi doono qaybtii raga, halkaas oo ay iyaguna daryeel iyo xanaanno ka heli doonaan.

Leave a Reply