Buuga Sinji Waa Maguuraan Dantuna waa Seeto oo Dhawaan lagu soo Bandhigi Doono Magaalada Jigjiga

0
546

Hargeysa (Dawan) Qoraaga buuga Sinji waa maguuraan dantuna waa seeto Yaasin Daahir Cumar, ayaa sheegay in dhawaan uu ku soo bandhigi doono jaamacada Jigjiga iyo maxadka daraasaadka dhaqanka iyo suugaanta ee DDSI, isaga oo tilmaamay in uu buugani uu ka hadlayo hagardaamooyin ku dhaca dadka Soomaalida meelkasta oo ay joogaan.

Waxaa uu xusay mudadii soo ururinta buugani uu waday ay u soo baxday daraasad ah in dadka Sinjigoodu Soomaalida yahay waxaa curyaamiyay ay ugu horeeyaan qabyaalad, cadaaladdaro iyo musuq maasuq.

Qoraa Yaasin waxaa uu sidan ku sheegay mar uu wareysi gaara oo uu siinayay wargeyska Dawan

Qoraaga buuga Sinji waa maguuraan dantuna waa seeto Yaasin Daahir Cumar, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Buuga aan qoray ee Sinji waa maguuraan dantuna waa seeto waxaa dhawaan lagu qaban doona jaamacada Jigjiga ee maxadka daraasadka dhaqanka iyo suugaanta ee DDSI, buugani waxaa uu ka hadlaya hagar-daamooyinka ku dhaca dadka Soomaalida meelkasta oo ay joogaan.

Buugani wakhti badan ayaan ka soo shaqeynayay waxaa aan tagay waddamo ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaaliya, Somaliland, Kenya, Itoobiya, intaasi oo dhana waxaa iga soo baxay nuxurka, waxaana ii soo baxday dadka Sinjigoodu Soomaaliga yahay in ay ku jiraan xayndaab adag oo tidcan kana bixilaa yihiin, taasi oo sababtay in qofka Soomaaliga ahi meelkasta adduunka haka jooge saddex waxyaabood uun uu tabanayo kuwaas oo kala ah Qabyaalad, caddaaladaro iyo musuq maasuq, marka waxaa aan ku muujiyay xagal 45 digree ah, 15 qabyaalada, 15 cadaaladdaro ah iyo 15 musuq maasuqa.

Sidoo kale buugan waxaa aan kaga hadlay in ay jirto xagal daac diineed, xagal daac dhaqameed, xagal daac dhaqaale inay jirto, marka buugani waxaa uu wax badan ka tari doona nolosha bulshada”

HALKAN KA DAAWO

Leave a Reply